Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa hadallo adag ka jeediyay arrimaha la xiriira joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika. Museveni ayaa sheegay in markii ay ciidamadoodu tageen Soomaaliya ay la dagaallameen kooxo Islaamiyiin ah oo hubeysan, isagoo xusay in mararka qaar ay la kulmeen hadallo dhaleeceyn ah oo kaga yimid qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed, oo uu tilmaamay inay ku sheegaan gaalo. Sidoo kale wuxuu sheegay in dhulka Soomaaliya ay leeyihiin Gaalada hadii ay Islaam yihiin ay aadan dalka Pakistaan, hadalkaas oo ka careeysiiyay inta badan Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay. Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud waxaa kusoo dhaweeyay Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, saraakiil ka tirsan Booliska iyo Asluubta, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wararka ayaa sheegaya in daqiiqado kadib markii uu Madaxweynaha soo degay, tiro hoobiyeyaal ah lagu weeraray aagga garoonka diyaaradaha Baydhabo. Inkastoo aan si rasmi ah…
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku tagay dalka Mareykanka, halkaas oo uu kulamo muhiim ah kula yeeshay madaxda hay’adaha amniga ee ugu sarreeya dalkaasi. Kulamada uu Agaasimuhu la yeeshay saraakiisha CIA iyo FBI ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sirdoonka, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Intii uu ku sugnaa Mareykanka, Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale booqday xarunta Ciidamada Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Fort Bragg, oo ku taalla gobolka North Carolina. Halkaas ayuu kulan…
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa digniin adag u jeediyay ciidamada kala duwan ee ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, isagoo uga digay falal keeni kara amni darro. Shuute ayaa si cad uga hadlay halista ka dhalan karta aargudasho, beegsi iyo tallaabo kasta oo horseedi karta dambiyo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo ku kacda falal noocaas ah ay wajihi doonto tallaabo sharci ah. Wuxuu sheegay in gacanta sharcigu ay gaari doonto qof walba oo jebiya awaamiirta la soo saaray. Guddoomiyuhu wuxuu faray ciidamada iyo saraakiisha inay ku sugnaadaan goobaha…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay sababo amni uga baaqday safar uu ku tegi lahaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, hayeeshee waxaa la sheegay in Maanta uu Madaxweynaah tagayo Magaalada Baydhabo, isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, halkaas oo siweyn looga sugayo. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya aya ka socota Magaalada Baydhabo, waxaana siweyn loo adkeeyay amniga Magaalada, iyada oo waddooyinka iyo Xarumaha muhiimka lagu arkayo Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin Ciidamada Koofiy Casta ee Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo halkaasi gaaray. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu tago Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa inuu…
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo wada hawlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayaa weerar qorshaysan ka fuliyey deegaanka Abaar Cano Wayn oo u dhexeeya deegaanka Yasooman iyo degmada Moqokori ee bariga gobolka Hiiraan. Weerarkan ayaa si toos ah loogu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo watay gaari nooca Cabdilaha ah. Inta lagu guda jiray hawlgalka, ciidamada ayaa gubay gaarigii ay wateen maleeshiyaadka, halkaasna waxaa lagu dilay dhammaan maleeshiyaadkii saarnaa. Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka, gaar ahaan Taliyaha Qaybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka, Kornayl Cali Cagay, hawlgalkan ayaa si guul leh ku dhammaaday, iyadoo ciidamada fuliyey ay si…
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaaladda amni ay maalmihii u dambeeyay sii xumaaneysay, iyadoo la soo sheegayo falal isugu jira dilal, dhac iyo boob ka dhacaya gudaha magaalada. Mas’uul hore oo ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan), ahaana Afhayeenkii Maamulkaas ayaa si kulul uga hadlay xaaladda amni, isagoo sheegay in Baydhabo ay ka sii fogaaneyso nabaddii ay horay ugu caan baxday. Afhayeenka ayaa xusay oraahda caanka ah ee lagu yaqaanay Koonfur Galbeed, “nabadaa naas la nuuga leh”, taasoo uu sheegay in ay astaan u ahayd muhiimadda nabadda iyo xasiloonida deegaanka. Ugaas Xasan ayaa…
Waxaa xalay duqeymo ka dhaceen deegaano u dhexeeya Af-urur iyo Ceeldaahir, oo ka tirsan gobolka Bari ee maamulka Puntland, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqeymahan ay dhaceen saacado habeenkii ah, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin cidda fulisay. Si kastaba ha ahaatee, ilo amni ayaa tilmaamaya in bartilmaameedka uu ahaa xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, inkastoo aan weli jirin xaqiijin rasmi ah oo arrintaas ku saabsan. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jug culus iyo qaraxyo is xigxigay, kuwaas oo cabsi ku abuuray xoolo-dhaqatada iyo shacabka ku nool aagga. Si kastaba,…
Dowladda Maraykanka ayaa qaaday tallaabooyin cusub oo ay kaga jawaabayso arrimo la xiriira hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan isbeddellada lagu sameeyay dastuurka ee uu ansixiyay Golaha Shacabka. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), laga mamnuucay inuu galo dalka Maraykanka. Tallaabadan ayaa la sheegay inay la xiriirto eedeymo ku saabsan musuq-maasuq iyo falal ka hor imaanaya mabaadi’da dowlad wanaagga. Sidoo kale, xayiraaddan ayaa saameysay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo qorsheynayay inay ka qeyb galaan shirar ka dhici lahaa magaalada Washington. Wararku waxay tilmaamayaan in aan horay loo sii ogeysiin tallaabadan, taasoo si…
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabo ay ku tilmaameen farogelin ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sameysay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Warsaxaafadeed uu Golaha soo saaray ayaa lagu sheegay in magacaabista ay dowladda ku sameysay maamulkaasi ay tahay jebin cad oo ka dhan ah dastuurka federaalka iyo habraacyada sharci ee u degsan nidaamka dowladnimo ee dalka. Golaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dastuurka Koonfur Galbeed si cad u dhigayo habraaca loo marayo xil ka qaadista ama beddelidda hoggaanka maamulka, taas oo ay sheegeen in aan la raacin. Waxay xuseen in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qaban…