Duqeyn xoogan oo lala beegsaday Saldhigyada Al-Shabaab ee Puntland

Waxaa xalay duqeymo ka dhaceen deegaano u dhexeeya Af-urur iyo Ceeldaahir, oo ka tirsan gobolka Bari ee maamulka Puntland, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqeymahan ay dhaceen saacado habeenkii ah, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin cidda fulisay. Si kastaba ha ahaatee, ilo amni ayaa tilmaamaya in bartilmaameedka uu ahaa xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, inkastoo aan weli jirin xaqiijin rasmi ah oo arrintaas ku saabsan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jug culus iyo qaraxyo is xigxigay, kuwaas oo cabsi ku abuuray xoolo-dhaqatada iyo shacabka ku nool aagga. Si kastaba, wararka la helayo waxay tilmaamayaan in aan wax khasaare ah soo gaarin shacabka rayidka ah iyo xoolahooda.
Maamulka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta hawlgalka, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda duqeymahaas. Sidoo kale, lama oga in duqeyntu ay ka timid diyaarado dagaal oo shisheeye ama ciidamo gudaha ah.
Gobollada Bari iyo guud ahaan Puntland ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca howlgallo amni oo lagu beegsanayo kooxaha hubeysan, gaar ahaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah sida Daacish, kuwaas oo isku dayaya inay saldhigyo ka sameystaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.
Ilo madax-bannaan ayaa sheegaya in duqeymahan ay qeyb ka noqon karaan dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada, inkastoo macluumaad dheeraad ah la sugayo.









