LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Mareykanka kala hadlay la dagaalanka Argagaxisada & arrimo kale

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku tagay dalka Mareykanka, halkaas oo uu kulamo muhiim ah kula yeeshay madaxda hay’adaha amniga ee ugu sarreeya dalkaasi.

Kulamada uu Agaasimuhu la yeeshay saraakiisha CIA iyo FBI ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sirdoonka, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Intii uu ku sugnaa Mareykanka, Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale booqday xarunta Ciidamada Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Fort Bragg, oo ku taalla gobolka North Carolina. Halkaas ayuu kulan muhiim ah kula yeeshay Korneyl Benander, oo ah taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, isla markaana hore uga soo shaqeeyay Soomaaliya.

Kulamadaasi ayaa lagu lafaguray sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga amni, gaar ahaan hawlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo la isku afgartay in la kordhiyo taageerada dhinacyada tababarka, xog-wadaagga iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya.

Agaasimaha NISA ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada. Wuxuu xusay in iskaashigan uu horseeday guulo muuqda, oo ay ka mid yihiin howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday horjoogeyaasha sare ee Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, safarka Agaasimaha ayaa muujinaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso xoojinta xiriirka caalamiga ah, si loo helo amni waara iyo xasillooni dalka ka hanaqaadda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *