LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka horyimid farogelinta Dowladda ee Koonfur Galbeed

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabo ay ku tilmaameen farogelin ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sameysay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warsaxaafadeed uu Golaha soo saaray ayaa lagu sheegay in magacaabista ay dowladda ku sameysay maamulkaasi ay tahay jebin cad oo ka dhan ah dastuurka federaalka iyo habraacyada sharci ee u degsan nidaamka dowladnimo ee dalka.

Golaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dastuurka Koonfur Galbeed si cad u dhigayo habraaca loo marayo xil ka qaadista ama beddelidda hoggaanka maamulka, taas oo ay sheegeen in aan la raacin. Waxay xuseen in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qaban karo doorasho sharci ah haddii ay jirto baahi isbeddel, halkii laga mari lahaa tallaabooyin aan waafaqsaneyn dastuurka.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed inay ilaaliyaan dastuurka, sharciga iyo nidaamka federaalka, iyagoo ka digay in tallaabooyinka noocan ah ay horseedi karaan khilaaf siyaasadeed iyo xasilooni darro.

Golaha ayaa tilmaamay in ficilladan ay dhaawacayaan kalsoonida hay’adaha dowliga ah isla markaana wiiqayaan horumarka nidaamka dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la dhowro dastuurka dalka, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta burbur ku yimaada nidaamka federaalka iyo kala dambeynta dowliga ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *