LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo, xilli hoobiyeyaal lagu weeraray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud waxaa kusoo dhaweeyay Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, saraakiil ka tirsan Booliska iyo Asluubta, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wararka ayaa sheegaya in daqiiqado kadib markii uu Madaxweynaha soo degay, tiro hoobiyeyaal ah lagu weeraray aagga garoonka diyaaradaha Baydhabo. Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, haddana Madaxweynaha ayaa si degdeg ah loogu galbiyay xarunta Madaxtooyada magaalada si loo xaqiijiyo ammaankiisa.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ee Baydhabo ayaa lagu sheegay mid la xiriirta xoojinta amniga, dardargelinta adeegyada bulshada, iyo kulamo uu la qaadanayo madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanka.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la arkayay ciidamo fara badan oo sugaya amniga Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *