Ciidanka xoogga dalka oo weerar ku dilay Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo wada hawlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayaa weerar qorshaysan ka fuliyey deegaanka Abaar Cano Wayn oo u dhexeeya deegaanka Yasooman iyo degmada Moqokori ee bariga gobolka Hiiraan.
Weerarkan ayaa si toos ah loogu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo watay gaari nooca Cabdilaha ah. Inta lagu guda jiray hawlgalka, ciidamada ayaa gubay gaarigii ay wateen maleeshiyaadka, halkaasna waxaa lagu dilay dhammaan maleeshiyaadkii saarnaa.
Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka, gaar ahaan Taliyaha Qaybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka, Kornayl Cali Cagay, hawlgalkan ayaa si guul leh ku dhammaaday, iyadoo ciidamada fuliyey ay si nabad ah uga soo laabteen goobta.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hubkii ay wateen maleeshiyaadka, kaas oo lagu tilmaamay qaniimo muhiim ah oo ka mid ah guulaha hawlgalka.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku beegsanayaan kooxda Al-Shabaab, si loo wiiqo awooddooda loona sugo amniga guud ee dalka.









