Author: Banaadir24 Editor

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka dhacay weerar lagu beegsaday ganacsade lagu magacaabo Cabdilaahi Cabdirisaaq Ismaaciil, oo ka tirsan maamulka shirkadda Bulsho, kaasoo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka PMPF uu rasaas ku furay gaariga uu watay ganacsadaha, iyadoo la tilmaamay in ciidankaas ay taageero ka helaan Imaaraadka Carabta. Ganacsade Cabdilaahi Cabdirisaaq Ismaaciil ayaa warbaahinta u sheegay inuusan weli garanayn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka. Wuxuu xusay in rasaas xooggan lagu furay gaarigiisa, islamarkaana xabado dhowr ah ay si halis ah uga ag dhaceen, balse uusan…

Read More

Markabka sahminta shidaalka ee Turkiga laga leeyahay ayaa si rasmi ah u gaaray xeebaha Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Turkiga Alparslan Bayraktar. Markabkan oo lagu magacaabo Çağrı Bey ayaa qeyb ka ah dadaallada iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah. Wasiirka ayaa sheegay in marxaladda xigta ay noqon doonto bilaabista howlaha qodista shidaalka, kuwaas oo la filayo inay dhowaan ka curtayaan gudaha biyaha Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo heshiisyadii ay wada gaareen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga. “Markabkeenna Çağrı Bey wuxuu si nabad ah ku gaaray Soomaaliya, waxaana qorshuhu yahay in…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, Dhamme Cabdixakiim Ceeldheer, ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka bilaabay socdaal shaqo oo uu ku marayo deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Taliyaha ayaa kormeer ku sameyn doona taliska gaarka ah ee Ciidanka Haramcad ay ku leeyihiin Baydhabo, si loo xoojiyo howlaha sugidda amniga, gaar ahaan xilli ay soo dhow yihiin doorashooyin muhiim ah. Ciidanka Haramcad oo dhawaan la geeyay magaalada ayaa door weyn ka qaadanaya xasilinta iyo ilaalinta amniga guud. Waxaa sidoo kale la filayaa in Dhamme Cabdixakiim Ceeldheer uu kulamo la yeesho saraakiisha ciidanka, isagoo adkeyn doona qorshaha lagu xaqiijinayo nabadgelyada…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb,ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo ay ka socoto diyaar garowga soo dhaweyntiisa. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in safarka Ra’iisul Wasaaraha uu la xiriiro arrimo amni iyo xoojinta awoodda ciidamada, gaar ahaan xiritaanka tababar loo soo gabagabeynayo ilaa 1,000 askari oo si gaar ah ugu heellan howlaha amniga. Tani ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu dardargelinayo la dagaallanka kooxaha amni darrada ka wada dalka. Shalay ayaa magaalada Dhuusamareeb waxaa horay u gaaray laba…

Read More

Ciidamo ka tirsan Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa xalay fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas. Howlgalkan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa deegaankaasi. Sida ay sheegeen ilo ka tirsan Macawiisleyda, bartilmaameedka ugu weyn ee weerarka wuxuu ahaa horjoogayaal sare oo lagu eedeeyay inay dhibaatooyin ku hayeen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul. Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha Macawiisleyda ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in howlgalka uu ahaa mid si wanaagsan loo qorsheeyay, isla markaana lagu khaarajiyey xubno…

Read More

Sida ay sheegtay FOX NEWS, dhammaan ciidanka Mareyanka ee howlgalkan fuliyey ayaa ka baxay gudaha Iran, waxayna sheegteen in aan waxba khasaare ah soo gaarin dhankooda. Sida ay warisay FOX News, waxaa si nabad ah loo soo badbaadiyey duuliyihii labaad ee diyaarad nooca F-15 ah oo horay loogu la’aa gudaha dalka Iran. Ciidanka Mareykanka ayaa xaqiijiyey in duuliyaha la helay isagoo bad qaba. Hawlgalka badbaadinta oo bilowday subaxnimadii Jimcaha ayaa lagu tilmaamay mid aad u adag oo heer sare ah (complex operation), maadaama uu ka socday gudaha Iran, halkaas oo ay si xooggan uga hortageen ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran. Wararka…

Read More

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray baaq deg-deg ah oo ay ugu yeerayaan hay’adaha samafalka iyo beesha caalamka inay si dhaqso leh gargaar u gaarsiiyaan shacabka ku nool deegaannadaas. Xildhibaannada ayaa sheegay in isku darka abaaro daba dheeraaday iyo colaado soo noqnoqday ay sababeen xaalad bini’aadannimo oo aad u daran. Bulshada ku nool Koonfur Galbeed ayaa wajahaysa dhibaatooyin isbiirsaday oo ay ka mid yihiin cunto yari, biyo la’aan iyo hoos u dhac ballaaran oo dhanka nolosha ah. Warbixinta ayaa si gaar ah u xustay in carruurta, haweenka iyo dadka…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo weerar qorsheysan ku qaaday qeybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan aagga Bukriyey. Xilliga uu weerarku dhacayay, waxaa magaalada ku sugnaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, taas oo sare u qaaday feejignaanta ammaanka ee gudaha magaalada. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xubnihii weerarka soo qaaday ay isku dayeen inay gudaha u galaan magaalada, balse ay iska caabiyeen ciidamada ammaanka oo si degdeg ah uga falceliyay weerarka.…

Read More

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay saacadihii la soo dhaafay duqeymo culus ka fuliyeen deegaan u dhow degmada Masaajid Cali Gaduud. Duqeyntan ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Ceelka Cali Salaad, halkaas oo dhowr gantaal lagu garaacay howd ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Goobta la beegsaday oo lagu magacaabo Howdka Khadiija Weyn ayaa la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanno iyo gaadiid dagaal. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, duqeynta ayaa sababtay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha.…

Read More

Iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxtinimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa soo baxaya loolan xooggan oo ku saabsan cidda heli doonta xilka Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi. Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in beelaha Hawiye iyo Dir, gaar ahaan Beesha Biimaal, ay si weyn isugu hayaan kursiga Madaxweyne ku-xigeenka, iyadoo dhinac walba uu wado dadaallo siyaasadeed oo uu ku doonayo in uu ku helo xilkaas muhiimka ah. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa Baydhabo kulan kula yeeshay odayaasha dhaqanka, saraakiisha amniga iyo dhallinyaro ka socotay deegaannada…

Read More