XOG: Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay Guddoomiye Aadan Madoobe & mas’uuliyiin kale

Dowladda Maraykanka ayaa qaaday tallaabooyin cusub oo ay kaga jawaabayso arrimo la xiriira hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan isbeddellada lagu sameeyay dastuurka ee uu ansixiyay Golaha Shacabka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), laga mamnuucay inuu galo dalka Maraykanka. Tallaabadan ayaa la sheegay inay la xiriirto eedeymo ku saabsan musuq-maasuq iyo falal ka hor imaanaya mabaadi’da dowlad wanaagga.
Sidoo kale, xayiraaddan ayaa saameysay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo qorsheynayay inay ka qeyb galaan shirar ka dhici lahaa magaalada Washington. Wararku waxay tilmaamayaan in aan horay loo sii ogeysiin tallaabadan, taasoo si lama filaan ah u hakisay safarradoodii.
Noocyada dal-ku-galka ee la joojiyay waxaa ka mid ah:
A2: oo la siiyo diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha dowladda
B1: oo loogu talagalay ganacsatada
B2: oo loogu talagalay booqashooyinka gaarka ah iyo dalxiiska
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in fariimo rasmi ah loo diray masuuliyiin kala duwan, oo ay ku jiraan wasiiro, la-taliyeyaal iyo xitaa xubno ka tirsan qoysaska madaxda sare. Tani waxay muujinaysaa in tallaabadu aysan ku koobnayn shaqsiyaad kooban, balse ay saameyn ballaaran ku leedahay hoggaanka sare ee dowladda.
Dowladda Maraykanka ayaa sida muuqata ka muujisay walaac ku aaddan hab-maamulka hadda jira, gaar ahaan arrimaha la xiriira hufnaanta iyo la dagaallanka musuq-maasuqa.
Wararka ka imaanaya diblomaasiyiin reer galbeed ah oo ku sugan Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamaya in aragtidan aysan ku koobnayn Maraykanka oo keliya, balse ay wadaagaan dalal kale oo deeq bixiyayaal ah.
Dhanka kale, waxaa soo baxaya walaac ku saabsan dhaqaalaha dalka, iyadoo Baanka Adduunka la filayo inuu dib u eego taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo dowladda Soomaaliya. Go’aankan ayaa la filayaa inuu la xiriiro dhammaadka muddada hay’adaha sharci-dejinta ee ku eg 14-ka Abriil 2026.
Haddii arrintan la dhaqan geliyo, waxaa suuragal ah in la hakiyo taageerada dhaqaale ee beesha caalamka laga bilaabo 15-ka May, taasoo si weyn u saameyn karta howlaha dowladda Federaalka.









