LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkii uu ka baaqday maanta ku tegaya Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay sababo amni uga baaqday safar uu ku tegi lahaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, hayeeshee waxaa la sheegay in Maanta uu Madaxweynaah tagayo Magaalada Baydhabo, isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, halkaas oo siweyn looga sugayo.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya aya ka socota Magaalada Baydhabo, waxaana siweyn loo adkeeyay amniga Magaalada, iyada oo waddooyinka iyo Xarumaha muhiimka lagu arkayo Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin Ciidamada Koofiy Casta ee Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo halkaasi gaaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu tago Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato:

Wasiirrada ku sugan magaalada

Mas’uuliyiinta sii haya xilalka maamulka Koonfur Galbeed

Saraakiisha ciidamada qalabka sida

Odayaasha dhaqanka

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo dejin lahaa xaaladda kacsan, loo xoojin lahaa amniga, iyo sidii loo qaban lahaa doorashooyin lagu soo doorto hoggaan cusub oo Koonfur Galbeed ah.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dadaallada dowladda federaalka ay ku dooneyso xasillinta siyaasadda iyo dib u dhiska kalsoonida shacabka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *