Author: Banaadir24 Editor

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan bariga gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Howlgalada ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Jeexin, Gadoon, Xabeeble, Geedasamo, Ceyn Deedo iyo deegaano kale oo ku dhow, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay kooxdaasi gabaad ka dhigatay. Intii ay howlgaladu socdeen, ciidamada ayaa burburiyay dhowr saldhig oo ay Al-Shabaab ka abaabuli jireen falal ay ku dhibaateeyaan shacabka rayidka ah. Dhanka kale, subaxnimadii hore ee maanta, ciidamada ayaa weerar qorsheysan ku qaaday maleeshiyaad ku socdaalayay waddada xiriirisa deegaanada Aboorey iyo Cadow-Gurey. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka…

Read More

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa kulan qaatay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta, odeyaasha dhaqanka, aqoonyahannada iyo ganacsatada ka soo jeeda Beesha Hariin ee uu ka dhashay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda iyo bulshada, dardargelinta horumarka deegaanada, iyo ka tashiga xaaladaha amniga iyo siyaasadda ee ka jira gobolka. Madaxweynaha ayaa dhageystay talooyin iyo aragtiyo ay soo jeediyeen ka qeybgalayaasha kulanka isagoo xusay muhiimadda ay leeyihiin wada shaqaynta iyo Hormarka deeganka. Madaxweyne Jabriil ayaa adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay ka shaqeynta…

Read More

Laba diyaaradood oo sida hub iyo saanad ciidan oo loogu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug. Wararka laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saanaddan cusub ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka, si loo dardargeliyo hawlgallada amniga ee ka socda gobollada bartamaha Soomaaliya. Qalabkan ciidan ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu taageero cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaannada Galmudug, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxaha amni-darrada,waxaana Galmudug ay kamid tahay Goobaha ay dowladda Soomaaliya…

Read More

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, gaar ahaan kuwa ka socda Uganda, iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Mubaarak oo hoostaga degmada Owdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada AUSSOM ku leeyihiin deegaanka Mubaarak. Weerarka ayaa la sheegay inuu ku bilowday qaraxyo iyo rasaas xooggan oo si lama filaan ah loogu qaaday saldhigga, taasoo keentay in ciidamada Uganda ay si degdeg ah uga jawaabaan weerarkaasi. Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay…

Read More

Guddiga Doorashooyinka ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay si rasmi ah u shaaciyaan jadwalka doorashooyinka isku sidkan ee ka dhici doona dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo qorshuhu yahay inay qabsoomaan dabayaaqada bisha Abriil. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa la sheegay inuu ku jiro diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee ku aaddan ku dhawaaqista jadwalkan muhiimka ah, kaas oo qeexaya habraaca iyo waqtiga la qabanayo doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka ee dowlad-goboleedyadaasi. Doorashooyinkan isku sidkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadda iyo ka qaybgalka shacabka, iyadoo markii ugu horreysay si…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg-deg ah u xallisay muran la xiriiray diidmada safarka masuuliyiin Soomaaliyeed oo u socday dalka Maraykanka, kadib dadaallo diblumaasiyadeed oo heer sare ah oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur  (Madoobe). Safiirka Soomaaliya ee Washington, Danjire Daahir Carab, ayaa wada-hadallo muhiim ah la yeeshay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, kuwaas oo lagu gaaray is-afgarad lagu xallinayo caqabadihii taagnaa, sida ay ogaatay Inside Somalia. Is-afgaradka ayaa dhigaya in diblumaasiyiinta iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee u safraya shirarka caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka, iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka,…

Read More

Khilaaf xooggan ayaa ka taagan cidda la wareegaysa xafiiska Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, iyadoo ay ku loolamayaan beelo kala taageersan dhinacyada kala ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Safiir Ilyaas iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Sadaad Maxamed Caliyow. Labada dhinac ayaa dadaal ugu jira cidda loo magacaabi lahaa Guddoomiyaha degmada, xilkaas oo horey u hayay guddoomiye ku heyb ahaa siweyna ula shaqeyn jiray madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen. Muranadan ayaa yimid xilli dhinacyadu ay sheegayaan in dagaallo hore oo ka dhacay Baydhabo ay ku waayeen askar, saraakiil iyo hanti, taasoo sii hurisay xiisadda ka taagan maamulka degmada. Dhanka kale,…

Read More

Ciidamada milateriga Somaliland ayaa hawlgal nabadeed oo lagu sugayo amniga ka fuliyey deegaanno dhaca galbeedka Somaliland, gaar ahaan aagga Gar-gaara ee ku dhow gobolka Saylac. Hawlgalka ayaa yimid kadib markii kooxo hubaysan oo abaabulan ay isku dayeen inay duullaan ku qaadaan dhulka Saylac, iyagoo ka soo galay dhinaca galbeed. Ciidamada Somaliland, oo ay hoggaaminayeen taliyeyaasha ugu sarreeya, ayaa si degdeg ah uga jawaabay weerarkaasi, inkastoo ay la kulmeen iska caabin kooban. Wararka rasmiga ah ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay ku guulaysteen inay ka adkaadaan kooxihii hubaysnaa, isla markaana ay gacanta ku dhigeen dhowr baabuur oo ay saarnaayeen qoryo culus.…

Read More

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka ee isku magacaabay Golaha Mustaqbalka, isaga oo ku eedeeyay inay ka shaqeynayaan dano shisheeye oo lid ku ah qarannimada dalka. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay xiriir la leeyihiin dowlado shisheeye, isla markaana ay qabtaan shirar dibadda ah oo uu ku tilmaamay kuwo lagu wiiqayo dowladda dhexe. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay qaar ka mid ah inay taageero siiyaan maleeshiyada Al-Shabaab. “Kooxdan waa daba-dhilif u adeegaya dano shisheeye, mana ahan kuwo ka shaqeynaya horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka. Dhanka kale,…

Read More

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta dadaallada nabadaynta, iyadoo hoggaamiyuhu uu Odeyaasha kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta xasilloonida iyo dib-u-heshiisiinta bulshada dhexdeeda. Hoggaamiye Jabriil ayaa adkeeyay in Koonfur Galbeed ay mudnaan gaar ah siinayso nabadda iyo wada noolaanshaha shacabka. Odeyaasha Dhaqanka ayaa dhankooda soo dhaweeyay kulanka, iyagoo ballanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan maamulka si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo…

Read More