LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Afhayeenkii Maamulka Koonfur Galbeed oo soo hadlay, dil & dhac ayaa ka socda Baydhabo.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaaladda amni ay maalmihii u dambeeyay sii xumaaneysay, iyadoo la soo sheegayo falal isugu jira dilal, dhac iyo boob ka dhacaya gudaha magaalada.

Mas’uul hore oo ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan), ahaana Afhayeenkii Maamulkaas ayaa si kulul uga hadlay xaaladda amni, isagoo sheegay in Baydhabo ay ka sii fogaaneyso nabaddii ay horay ugu caan baxday.

Afhayeenka ayaa xusay oraahda caanka ah ee lagu yaqaanay Koonfur Galbeed, “nabadaa naas la nuuga leh”, taasoo uu sheegay in ay astaan u ahayd muhiimadda nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

Ugaas Xasan ayaa sheegay in maleeshiyaad sharci darro ah lagu soo uruuriyay magaalada Baydhabo, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay sabab u yihiin amni darrada sii kordheysa.

“Waxaa aad u wanaagsan in la ilaaliyo nabad iyo xasiloonida guud ee Koonfur Galbeed, balse sax ma ahan in amniga Baydhabo uu gacanta ka baxo,” ayuu yiri.

Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah magaalada looga saaro dhammaan kooxaha hubeysan ee aan sharciyeysneyn, si loo soo celiyo kala dambeynta iyo badqabka shacabka.

Mas’uulka ayaa sidoo kale ka digay in aan la aqbali karin in dagaal lagu dhex abuuro bulsho nabad ah, isagoo ku tilmaamay falalka ka socda Baydhabo kuwo “ceeb ku ah” bulshada deegaanka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in nabadda guud ee Koonfur Galbeed ay tahay mid la wada ogsoon yahay, loona baahan yahay in la ilaaliyo.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay soo kordhayaan walaacyada laga qabo amniga Baydhabo, iyadoo bulshada iyo masuuliyiinta qaarkood ay dalbanayaan in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda sii xumaaneysa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *