Madaxweynaha Uganda oo sheegay hadal ka careysiiyay Soomaalida

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa hadallo adag ka jeediyay arrimaha la xiriira joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.
Museveni ayaa sheegay in markii ay ciidamadoodu tageen Soomaaliya ay la dagaallameen kooxo Islaamiyiin ah oo hubeysan, isagoo xusay in mararka qaar ay la kulmeen hadallo dhaleeceyn ah oo kaga yimid qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed, oo uu tilmaamay inay ku sheegaan gaalo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dhulka Soomaaliya ay leeyihiin Gaalada hadii ay Islaam yihiin ay aadan dalka Pakistaan, hadalkaas oo ka careeysiiyay inta badan Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in ciidamada Uganda ay u joogaan Soomaaliya sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nabadeynta iyo xasilinta dalka, isagoo sidoo kale muujiyay in howlgalkoodu yahay mid lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.
Hadalladan ayaa durba dhaliyay falcelin kala duwan oo ka timid bulshada Soomaaliyeed iyo falanqeeyayaasha siyaasadda, kuwaas oo qaar ka mid ah ay u arkaan kuwo kicin kara dareenka bulshada, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen hadallo siyaasadeed oo u baahan in si taxadar leh loo qiimeeyo.









