Guddoomiye Shuute oo digniin u diray Saraakiisha iyo Ciidamada qabsaday Baydhabo

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa digniin adag u jeediyay ciidamada kala duwan ee ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, isagoo uga digay falal keeni kara amni darro.
Shuute ayaa si cad uga hadlay halista ka dhalan karta aargudasho, beegsi iyo tallaabo kasta oo horseedi karta dambiyo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo ku kacda falal noocaas ah ay wajihi doonto tallaabo sharci ah. Wuxuu sheegay in gacanta sharcigu ay gaari doonto qof walba oo jebiya awaamiirta la soo saaray.
Guddoomiyuhu wuxuu faray ciidamada iyo saraakiisha inay ku sugnaadaan goobaha loo igmaday ilaa amar kale laga soo saarayo, isagoo sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta iyo hoggaanka ciidamada ku booriyay inay si dhow ula socdaan fulinta amarrada si loo xaqiijiyo xasilloonida.
“Ma jirto cid laga adkaaday ama cid adkaatay; waxa kaliya ee laga doonayo askarta waa inay ilaaliyaan sharciga kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara fal dambiyeed,” ayuu yiri Shuute.
Dhanka kale, saraakiisha sare ee ciidamada Dowladda Federaalka iyo masuuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Baydhabo ku yeeshay kulamo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, kaddib isbeddello amni oo dhowaan ka dhacay magaaladaas.









