Keydkii qaraxyadii Al-Shabaab ee Gobolka Jubbada Dhexe oo duqeyn lagu burburiyay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqayn culus oo xalay ka dhacday duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, taas oo la sheegay inay sababtay khasaare xooggan.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay inay xalay maqlayeen jugta culus ee gantaallada laga soo tuurayay diyaarado dagaal, kuwaas oo bartilmaameedsaday goobo ku yaalla bannaanka degmada Jilib. Dadka deegaanka ayaa sheegay in jugta duqaynta si weyn looga maqlayay xaafado ku dhow goobaha la weeraray.
Sida ay sheegayaan ilo amni, duqaynta ayaa lala beegsaday fariisimo iyo goobo la tuhunsanaa inay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay kaydinta hubka iyo walxaha qarxa.
Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in weerarka lagu burburiyay keyd qaraxyo iyo agab ciidan oo kooxdaasi lahayd, isla markaana uu jiro khasaare culus oo la gaarsiiyay Al-Shabaab.
Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in goobaha la duqeeyay ay ahaayeen meelo muddooyinkii dambe dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayay, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha ka dhashay weerarka.
Dhanka kale, warar kale ayaa sheegaya in duqaymo dheeraad ah ay xalay iyo saaka ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo qaybo kale oo ka mid ah Jubbada Dhexe.
Ilaa hadda dowladda Somalia kama aysan soo saarin war rasmi ah oo faahfaahinaya bartilmaameedyada la weeraray iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Duqaymahan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ay sare u qaadeen howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada koonfurta dalka, halkaas oo kooxda ay weli ku leedahay dhaqdhaqaaqyo ciidan.









