Shir deg deg ah ka dhacay Baydhabo kadib dagaalkii ka dhacay

Shir degdeg ah oo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ayaa maanta ka qabsoomay Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib dagaal saaka aroortii ka dhacay gudaha magaalada.
Kulanka oo uu guddoominayay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cirro, ayaa looga hadlay dagaalkii saaka ka dhacay Baydhabo, saameynta uu reebay, iyo tallaabooyinka degdegga ah ee lagu adkeynayo amniga guud ee magaalada.
Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in saraakiisha amniga, taliyeyaasha ciidamada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan laamaha ammaanka ay si gaar ah uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa sugidda amniga, looga hortagi lahaa isku dhacyo kale, islamarkaana loo dejin lahaa xaaladda magaalada.
Dagaalka saaka ka dhacay Baydhabo ayaa la sheegay inuu dhexmaray ciidamada militariga Soomaaliya iyo ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen.
Ilo dhinaca militariga ah ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay guulo ka gaareen dagaalkaasi, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska horimaadka, sida tirada dhimashada ama dhaawacyada.
Shacabka magaalada Baydhabo ayaa saaka ku waabariistay cabsi iyo dhaq-dhaqaaq ciidan, iyadoo la arkayay ciidamada oo isku urursan meelo ka mid ah magaalada, halka dhaq-dhaqaaqa ganacsiguna uu saacado kooban hakad galay.
Shirka degdegga ah ee ka dhacay Taliska Qeybta 60-aad ayaa la filayaa inuu kasoo baxo go’aanno la xiriira xasillinta magaalada iyo adkeynta ammaanka, iyadoo xaaladda Baydhabo ay weli kacsan tahay, isla markaana si dhow loola socdo dhaq-dhaqaaqyada amni ee socda.









