Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle oo ku dhawaaqay halis soo wajahday Beesha Xawaadle

Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook kaga digay in xaalad colaadeed iyo kala qeybsanaan siyaasadeed ay ka dhex dhalan karto beesha Xawaadle, haddii aan si degdeg ah looga hortagin.
Cosoble wuxuu sheegay in “dulmi aad u weyn” uu soo wajahan yahay beesha, isagoo xusay in arrintaasi ay gaari karto heer hub la isu qaato, isla markaana ay mar kale saameyn ku yeelato xiriirka beesha iyo maamulka Hirshabelle.
Sida uu sheegay madaxweynihii hore, koox uu ku tilmaamay inay isugu jiraan wadaado iyo xubno qurbajoog ah ayaa la sheegay inay qorsheynayaan safar ay ku tagayaan Beledweyne bilowga bisha June.
Wuxuu sheegay in kooxdaasi ay wataan liis hore loogu diyaariyay magaalada Muqdisho, kaas oo ay doonayaan in ay u gudbiyaan guddiga doorashooyinka, isla markaana uu xambaarsan yahay magacyada xubnaha la doonayo inay beesha Xawaadle ku matalaan Hirshabelle.
Cosoble wuxuu ku dooday in tallaabadaasi ay horseedi karto muran iyo kala aragti duwanaansho hor leh oo ka dhex dhasha bulshada, haddii aan wadatashi iyo isku raac lagu saleyn.
Dhanka kale, wuxuu baaq u diray guud ahaan dhallinyarada, waxgaradka, cuqaasha iyo odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle, isagoo ugu baaqay inay si mideysan uga hortagaan waxa uu ku tilmaamay “damac siyaasadeed oo halis gelin kara midnimada beesha”.
“Waxaa muhiim ah in laga hortago wax kasta oo dhalin kara iska hor imaad ama kala fogeyn bulshada dhexdeeda,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u taageera villa Somalia, isaga oo markale doonaya in laga dhigo Madaxweynaha Hir-Shabeelle.









