Xog cusub oo laga helay kulankii Sheekh Shariif & Mahad Salaad

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xalay ka dhacay guriga Madaxweyne hore Sharif Sheikh Ahmed, kaas oo ay yeesheen agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad iyo Sheekh Shariif, iyadoo xogta kulankaasi si weyn loo adkeeyay in aan dibadda loo bixin.
Sida ay ilo xog-ogaal ah noo xaqiijiyeen, kulanka waxaa diiradda lagu saaray dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday agagaarka guriga Sheekh Shariif, xilli ay halkaasi isku hor yimaadeen ciidamada ammaanka iyo dad dibadbaxayay, kuwaas oo si aad ah ugu soo dhawaaday deegaanka guriga.
Xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in Mahad Salaad uu kulanka gudaheeda si gaar ah ugu bogaadiyay ciidanka ilaalada guriga Sheekh Shariif, isagoo ku ammaanay sida ay xaaladda u maareeyeen iyo in aysan rasaas adeegsan xilliga xiisaddu taagnayd.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu xusay in haddii xabad la ridi lahaa ay suuragal ahayd in xaaladdu faraha ka baxdo isla markaana ay dhalato cawaaqib amni iyo mid siyaasadeed oo culus.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in kulanka uu ku dhacay jawi deggan, isla markaana aan wax sawirro ah laga qaadin intii uu socday, arrintaas oo sii xoojisay heerka qarsoodiga ee kulanka.
Dhanka kale, xog hore oo warbaahinta si weyn loogu faafiyay oo la xiriirtay in kulanka si qoto dheer looga hadlay arrimaha dibadbaxyada socda ayaa hadda dib u soo baxday iyadoo muujinaysa in qodobkaas aan si faahfaahsan loogu lafagurin. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in aan kulanka lagu gaarin wax go’aan rasmi ah ama is-afgarad gaar ah oo la xiriira arrimaha bannaanbaxyada.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli 4-ta Bisha June ee soo socota siyaasiyiinta mucaaradka ku balameen inay Muqdisho ku qabtaan bannaanbaxyo xoogan oo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya.









