LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Muwaadin Soomaaliyeed oo si xun loogu dilay Gudaha dalka…

Alle ha u naxariistee Ayaanle Jamaal Xuseen ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Bremen ee dalka Jarmalka, kaddib markii habeenkii Ciidda ka hor dhaawac culus looga geystay madaxa.

Sida ay sheegeen wararka ka imaanaya magaalada Bremen, marxuumka ayaa la helay isagoo miyir beel ah, dhaawac culusna uu ka gaaray madaxa, isagoo dhulka yaalla agagaarka boosteejada Falkenstraße, oo u dhow xarunta tareennada laga raaco ee magaalada.

Dad goobta ku sugnaa ayaa markii dambe helay Ayaanle isagoo xaaladdiisu aad u liidato. Gurmad degdeg ah ayaa goobta yimid, waxaana si dhaqso ah loogu qaaday isbitaal ku yaalla Bremen si loogu sameeyo daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Dhakhaatiirta ayaa la tacaalayay xaaladdiisa oo ahayd mid halis ah, balse ugu dambeyn waxaa la xaqiijiyey inuu xalay oo Jimco ahayd ku geeriyooday isbitaalka, dhaawicii culus ee madaxa kasoo gaaray awgiis.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in qof aan weli la aqoonsan uu weerarka geystay. Illaa hadda lama shaacin cid loo qabtay falkaasi, waxaana socda baaritaan rasmi ah.

Booliska Bremen ayaa sheegay inay weli raadinayaan marqaatiyaal iyo cid kasta oo xog ka haysa dhacdada, si loo ogaado sida ay wax u dhaceen iyo qofka ka dambeeyay weerarka.

Waxay boolisku ugu baaqeen shacabka in qof kasta oo arkay dhacdada ama haysta xog la xiriirta weerarka uu lasoo xiriiro laamaha baarista.

Geerida Alle ha u naxariistee Ayaanle Jamaal Xuseen ayaa murugo ku abuurtay qoyska marxuumka, saaxiibbadiis, iyo guud ahaan Soomaalida ku nool Germany, gaar ahaan magaalada Bremen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *