LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

SAWIRRO:- Ciidamo iyo Gaadiid dagaal oo ku biiray Ciidamada Laftagareen

Wararka laga helayo duleedka Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo hor leh ay maanta ku biireen ciidamada taageersan Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ee ku sugan duleedka magaalada.

Ciidamadan cusub waxaa qeyb ka ah maleeshiyaad uu hoggaaminayo Malaaq Cali Shanla-Gaab oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo gaaray fariisimaha ciidamada taabacsan Lafta-gareen.

Sidoo kale, dhowr gaari oo kuwa dagaalka ah oo hore uga tirsanaa Ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku sugnaa degmada Wanlaweyn, ayaa saaka gaaray goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada taageersan Lafta-gareen ee duleedka Baydhabo.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay ay halkaasi kusoo gaarayeen ciidamo iyo gaadiid dagaal oo cusub, kuwaas oo ku biiraya ciidamada horay u joogay aagga duleedka magaalada.

Ku biiritaanka ciidamada ka yimid Wanlaweyn iyo kuwa uu watay Malaaq Cali Shanla-Gaab ayaa sare u qaaday tirada ciidamada ku sugan halkaasi, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada ciidanku ay weli ka socdaan deegaannada ku xeeran Baydhabo.

Ciidamada taageersan Lafta-gareen ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku abaabulayay duleedka Baydhabo, iyadoo maanta ay kusoo biireen cutubyo cusub iyo gaadiid dagaal oo xoojinaya awoodda ciidamada halkaasi ku sugan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *