Xukun lagu riday Nin saaxiibkiis dilay

Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa maanta xukun dhan 10 sano iyo 6 bilood oo xarig ah (128 bilood) ku ridday Mohamed Aden Hared, kadib markii lagu helay dambiga dilka saaxiibkiis iyo la-shaqeeyihiis Ahmed Ibraahim Cariif, oo uu toogtay sanadkii 2024.
Mohamed Aden Hared, oo 26 jir ah, ayaa horay bishii Janaayo qirtay dacwadda la xiriirta dilka darajada labaad ee loo haystay.
Maxkamaddu waxay sheegtay inuu xabsiga ku qaadan doono 128 bilood, iyadoo sidoo kale loo xisaabiyay ku dhowaad labo sano oo uu hore ugu jiray xabsi ku-meel-gaar ah intii dacwaddu socotay.
Kiiskan ayaa dib u dhacaya 29-kii Juun 2024, markii rasaas lagu dilay Ahmed Ibraahim Cariif bannaanka xarunta weyn ee shirkadda Amazon ee magaalada Lakeville, gobolka Minnesota.
Mohamed iyo Ahmed waxay ahaayeen laba dhalinyaro Soomaaliyeed oo saaxiibo dhow ahaa, isla markaana ka wada shaqeyn jiray xarunta Amazon. Sida ay sheegeen baarayaasha, labada nin iyo qof saddexaad ayaa maalin kasta hal gaari ku wada tegi jiray shaqada.
Warbixinnada booliska iyo dukumentiyada maxkamadda ayaa tilmaamaya in habeenkaas uu Mohamed gaariga ku reebay bastoolad uu watay, taasoo lahayd qalab iftiin ah (flashlight attachment). Markii dambe ayuu ogaaday in qalabkaasi ka maqan yahay, wuxuuna tuhmay in ay qaateen saaxiibbadiisii la socday.
Eedeyntaasi ayaa dhalisay muran kulul oo markii dambe isu beddelay gacan ka hadal dhex maray Mohamed iyo Ahmed.
Sida maxkamaddu sheegtay, intii uu muranku socday ayaa Mohamed Aden Hared bastoolad kala soo baxay dhexda, kadibna laba xabbadood riday. Mid ka mid ah rasaasta ayaa ku dhacday gaari meesha yaallay, halka rasaastii labaad ay si toos ah uga haleeshay Ahmed Ibraahim Cariif laabta.
Ahmed ayaa goobta ku geeriyooday, iyadoo baaritaanka meydka lagu xaqiijiyay inuu u dhintay dhaawac rasaaseed oo gaaray wadnaha, sambabka iyo xididdada waaweyn ee jirka.
Kadib dhageysiyo dhowr ah oo socday muddo bilooyin ah, maxkamadda gobolka Minnesota ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka kama dambaysta ah ee Mohamed Aden Hared.
Xeer ilaalinta gobolka ayaa ku tilmaantay dhacdadan “mid murugo badan oo ka dhalatay arrin aad u yar,” iyagoo sheegay in muranka ka bilowday qalab yar oo ka maqnaa bastooladda uu sababay dhimashada nin dhallinyaro ah.
Qoyska iyo asxaabta Marxuum Ahmed Ibraahim Cariif ayaa si weyn uga naxay dilkiisa, maadaama labada nin la sheegay inay ahaayeen saaxiibo isku dhow oo wada shaqeeya, isla markaana maalin kasta wada safri jiray.









