LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo War kasoo saaray dagaalka Baydhabo & Gaari ay qabsadeen

Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in Ciidamada Qaranka ay si buuxda gacanta ugu hayaan amniga magaalada Baydhabo, isla markaana aysan jirin wax kooxo cadow ah oo la wareegay goob ama deegaan ka tirsan magaalada.

Ciidamada geesiyaasha ah ee Qeybta 60-aad ayaa howlgaladii ugu dambeeyay ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan gaari iyo hub tiro badan oo ay ka carareen maleeshiyaadka cadowga, kaddib markii jab culus lagu gaarsiiyay furimaha dagaalka.

Taliska wuxuu shacabka ku wargelinayaa in goor dhow la soo bandhigi doono hubkii, gaadiidkii iyo meydadkii ay ka carareen cadowga, si loo caddeeyo guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen howlgalada socda.

Guulahaasi waxay muujinayaan feejignaanta, geesinimada iyo diyaargarowga Ciidamada Qaranka ee u taagan difaaca dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Afhayeenka Laftagareen oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay inay Ciidamadooda la wareegeen qeyb kamid ah Magaalada Baydhabo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *