Taliye Sadiiq Doodishe oo ka hadlay dagaalka Baydhabo farriina u diray…

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay, Gaashaanle Dhexe Saadaq Aadan Doodishe, ayaa si adag uga hadlay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada amniga iyo Ciidamada Laftagareen oo weeraray Magaalada.
Taliyaha oo warbaahinta kula hadlay bartamaha magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay si buuxda uga hortageen weerarka, islamarkaana ay gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday khasaare xooggan.
Gaashaanle Dhexe Saadaq Aadan Doodishe ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay aroortii hore si lama filaan ah kusoo qaadeen weerarka, balse ciidamada ammaanka ay si degdeg ah uga falceliyeen isla markaana ay fashiliyeen qorshahooda.
“Koox nabad-diid ah ayaa saaka arbushaad kusoo qaaday magaalada.
Ciidamadu si geesinimo leh ayay uga hortageen, waxaana hadda socda ururinta maydadkooda iyo dhaawacyadooda,” ayuu yiri taliyaha.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda magaalada ay hadda deggan tahay, isla markaana ciidamada ammaanka ay gacanta ku hayaan goobihii uu dagaalku ka dhacay.
Dhanka kale, taliyuhu wuxuu eedeyn u jeediyay siyaasiyiin Soomaaliyeed oo uu sheegay in aysan dalka joogin, balse ay ku lug leeyihiin hurinta colaadda iyo qalqalgelinta amniga Baydhabo.
Wuxuu sheegay in siyaasiyiintaasi ay marin habaabinayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo adeegsanayo dagaallada.
“Waxaa jira rag siyaasiyiin ah oo dibadda jooga kuwaas oo dhalinyarada Soomaaliyeed qaldaya, kuna riixaya dagaal iyo colaad aan dan ugu jirin shacabka,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay ayaa ugu baaqay ciidamada ka tirsan dhinacyada kasoo horjeeda maamulka inay ka qeyb noqdaan nabadda iyo xasilloonida deegaanka, isla markaana aysan dheg u dhigin awaamiirta siyaasadeed ee dibadda laga hagayo.
Dagaalkii saaka ka dhacay Baydhabo ayaa cabsi ku abuuray shacabka magaalada, inkastoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in xaaladdu hadda deggen tahay. Ilaa iyo hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka.









