Guriga Taliye Saneey Cabdulle oo la weeraray iyo khasaaro ka dhashay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo lagu qaaday guri uu magaalada Jowhar ka degan yahay Taliye Saneey Cabdulle, ayaa hadda ah Taliyaha Guutada 3aad ee Ciidanka xoogga dalka.
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in bam-gacmeed lagu weeraray gurigaasi xilli ay halkaasi ku sugnaayeen ciidamo hoostaga Taliye Saneey Cabdulle. Guriga la weeraray ayaa sidoo kale la sheegay inuu yahay fariisin ay degan yihiin ciidamada uu taliyehaasi hoggaamiyo.
Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in weerarka uu sababay dhaawaca hal askari oo kamid ah ciidamada ku sugnaa guriga xilliga uu qaraxa dhacay. Lama soo sheegin wax khasaaro kale oo intaas ka badan oo ka dhashay weerarka, iyadoo xaaladda goobta ay markiiba gaareen ciidamo amni oo baaritaanno ka bilaabay.
Dhanka kale, dhacdo kale oo amni darro ayaa isla magaalada Jowhar ka dhacday, kaddib markii askari katirsanaa ciidamada booliska Hirshabeelle lagu dilay xaafadda Badacas.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen askariga, halkaasna ay ku dileen, kadibna ay goobta ka qaateen qorigii uu watay ka hor inta aysan ka baxsan.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxaana socda baaritaanno la xiriira cidda ka dambeysay weerarkaasi iyo sidii ay uga baxsadeen goobta.
Labadan dhacdo ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Jowhar ay muddooyinkii dambe ka jireen dadaallo lagu xoojinayo ammaanka, iyadoo laamaha amniga maamulka Hirshabeelle aysan weli si rasmi ah uga hadlin labada dhacdo.









