DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Qarax ka dhacay Goob lagu daawanayay Ciyaarta Arsenal & PSG, Dad ku dhintay

Ugu yaraan laba arday ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, halka in ka badan 30 kalena ay dhaawacmeen kaddib qarax xalay ka dhacay xarunta Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Gondar ee dalka Itoobiya, xilli ay ardaydu daawanayeen ciyaar dhexmartay kooxaha Arsenal iyo Paris Saint-Germain (PSG).

Goob-joogayaal ku sugnaa gudaha jaamacadda ayaa sheegay in qaraxu dhacay xilli ay arday badan isugu yimaadeen meel ay si wadajir ah uga daawanayeen ciyaarta, taasoo sababtay argagax iyo kala carar degdeg ah.

Dhaawacyada ayaa la sheegay inay isugu jiraan kuwo fudud iyo kuwo culus, iyadoo qaar kamid ah dadka dhaawacmay loo qaaday xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalada Gondar si loogu daweeyo.

Booliiska iyo maamulka deegaanka ayaa durba billaabay baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay qaraxa. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta rasmiga ah ee keentay dhacdada, mana cadda in qaraxu ka dhashay cilad farsamo ama arrin kale.

Dhacdadan ayaa cabsi iyo jahwareer weyn ku abuurtay guud ahaan Jaamacadda Gondar, iyadoo arday badan ay habeenkii ka baxeen goobta iyagoo argagaxsan, halka qaar kale ay weli raadinayeen saaxiibadood iyo ehelladooda.

Maamulka jaamacadda weli kama uusan soo saarin war-saxaafadeed rasmi ah oo faahfaahsan, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay kasoo baxaan warar dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha iyo natiijada baaritaanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *