LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Kumanaan dollar oo laga rabo musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka KGS

Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay fadhigoodii ugu horreeyay, kaas oo ay ku meel mariyeen qaraar dhigaya lacagta laga qaadayo musharraxiinta u tartamaya guddoonka Golaha.

Sida lagu go’aamiyay kulanka, musharraxa u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxaa laga rabaa inuu bixiyo lacag dhan 20,000 oo doollar.

Sidoo kale, musharraxiinta u tartamaya xilalka Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ayaa laga doonayaa lacag gaareysa 10,000 oo doollar, halka musharraxa u taagan xilka Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad laga qaadayo 5,000 oo doollar.

Go’aankan ayaa qayb ka noqday ajandihii ugu horreeyay ee ay ka doodeen mudaneyaasha cusub ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, iyadoo kulanka lagu ansixiyay qaddarka lacageed ee musharraxiinta looga baahan yahay ka hor inta aysan si rasmi ah u gelin tartanka doorashada guddoonka.

Dhanka kale, inkasta oo la isla meel dhigay lacagaha laga rabo musharraxiinta, haddana weli si buuxda looma isku raacin hannaanka loo marayo doorashada guddoonka Golaha Wakiillada.

Wararka laga helayo gudaha kulanka ayaa sheegaya in dood xooggan ay ka taagan tahay qaabka doorashada loo qabanayo iyo habraacyada lagu maamulayo tartanka, iyadoo xildhibaannadu weli ka arrinsanayaan nidaamka kama dambaysta ah ee lagu geli doono doorashada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *