Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirkeeda Kenya, kuna dhow xil ka qaadis

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib ugu yeeratay safiirkeedii u fadhiyay dalka Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, kadib markii uu ka qaybgalay kulan lagu qabtay magaalada Nairobi, kaas oo wararku sheegayaan in uu xiriir la lahaa dowladda Israel.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah oo ku dhow dowladda, go’aanka dib loogu yeeray safiirka ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen sawirro muujinaya safiirka oo ka qeybgalaya shir ku saabsanaa wax-soo-saarka avocado-ga, isla markaana halkaas kula kulmay masuuliyiin ay kamid yihiin wakiilka Israa’iil u jooga Kenya.
Arrintan ayaa dhalisay falcelin gudaha dowladda ah, iyadoo lagu tilmaamay mid si weyn uga hor iman karta jihada siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, gaar ahaan mowqifka rasmiga ah ee dowladda ee ku aaddan Israel.
Warar laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay billowday baaritaan gudaha ah si loo ogaado qaabka uu safiirku uga qeybgalay kulankaas, iyo in uu jiray fasax ama oggolaansho rasmi ah oo uu ka haystay dowladda.
Sidoo kale, xogaha la helayo waxay muujinayaan in dhacdadan lagu wargeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, iyadoo lagu tilmaamay arrin xasaasi ah oo u baahan qiimeyn siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh hadal cad ka jeediyay mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan xaaladda Bariga Dhexe, isagoo sheegay in Soomaaliya ay taageero buuxda u hayso shacabka Falastiin isla markaana ay si dhow ula socoto xaaladda gobolka.
Ka qaybgalka safiirka ee shirka Nairobi ayaa sidoo kale kiciyay dood siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo gudaha ah, iyadoo falanqeeyayaal qaar ay tilmaamayaan in tallaabadaasi ay dhalin karto su’aalo ku saabsan sida diblomaasiyiinta Soomaaliya ay ugu dhaqmaan siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda marka ay joogaan dibadda.
Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya la filayo inuu wadatashi la yeesho madaxda sare ee dowladda si loo qiimeeyo xaaladda, loogana gaaro go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan mustaqbalka safiirka.









