LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Farmaajo oo Muqdisho kusoo laabtay & xaaladda dalka oo is bedeleysa

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Mogadishu, xilli dalka uu galay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, islamarkaana ay isa soo tarayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wadatashiyada siyaasadeed ee socda.

Ilo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in soo laabashada Farmaajo ay kusoo beegantay xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan abaabulo siyaasadeed oo xooggan, kuwaas oo la xiriira kulamo wadatashi ah iyo banaanbaxyo la qorsheeyay inay qabsoomaan 4-ta Juun, kuwaas oo si dhow ula xiriira jihada siyaasadeed ee dalka iyo burburinta ay dowladdu ku saneysay Guryaha rayidka.

Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in Farmaajo la filayo inuu maalmaha soo socda kulamo gaar gaar ah la yeesho siyaasiyiin, madax hore, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, iyo qeybaha kala duwan ee daneeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo ay diiradda ku saari doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, wadajirka siyaasiyiinta mucaaradka, iyo hannaanka doorashooyinka la filayo.

Soo laabashadiisa ayaa durba dhalisay hadal-heyn siyaasadeed oo xooggan gudaha magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, iyadoo indhaha si gaar ah loogu hayo doorka uu ka qaadan karo marxaladda siyaasadeed ee hadda taagan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *