Khilaaf ka taagan doorashada guddoonka & Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Khilaaf siyaasadeed oo xoogan ayaa ka dhex curtay xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo shalay si rasmi ah loogu dhaariyay magaalada Baydhabo, xarunta ku-meel-gaarka ah ee maamulkaasi.
Khilaafka ayaa salka ku haya habraaca loo wajahayo doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub iyo cidda si ku-meel-gaar ah u maamuleysa kulamada ugu horreeya ee golaha.
Xogaha la helayo waxay sheegayaan in muranka ugu weyn uu ka taagan yahay xildhibaanka guddoominta ku-meel-gaarka ah qabanaya. Sida ku cad habraacyada baarlamaaniga ah ee dowlad goboleedyada, xildhibaanka ugu da’da weyn Golaha ayaa yeelanaya mas’uuliyadda furitaanka kulanka ugu horreeya iyo hagidda geeddi-socodka doorashada guddoonka Baarlamaanka.
Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in xildhibaanka ugu da’da weyn ee Golaha ku jira uu ka tirsan yahay xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, hase yeeshee ilo siyaasadeed ayaa tilmaamaya in Villa Somalia ay si cad uga biyo diiddan tahay inuu isagu hoggaamiyo kulankaas.
Dad ku dhow geeddi-socodka doorashada ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay dadaal ugu jirto in la helo shaqsi kale oo door hoggaamineed qaata, arrintaas oo dhalisay diidmo iyo dood adag oo ka dhex taagan xildhibaannada cusub.
Dhinaca kale, muran kale oo culus ayaa ka taagan nooca loo marayo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, taas oo la filayo inay si rasmi ah u qabsoonto maalmaha soo socda.
Xogaha la helayo waxay muujinayaan in Villa Somalia ay riixeyso in doorashada Madaxweynaha lagu qabto qaab gacan taag ah, si codadka si muuqata loo kala ogaado.
Si kastaba, inta badan xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay arrintaas si adag uga soo horjeedaan, iyagoo dalbanaya in doorashadu noqoto mid qarsoodi ah (secret ballot) si xildhibaan walba u dhiibto codkiisa si xor ah oo aan cadaadis lahayn.
Xildhibaanno la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in cod qarsoodi ah uu yahay habka keliya ee lagu xaqiijin karo hufnaan, madaxbannaani siyaasadeed iyo in xubnaha Baarlamaanku ay si xor ah u muujiyaan rabitaankooda.
Xiisaddan siyaasadeed ayaa kusoo beegmeysa xilli Koonfur Galbeed ay gashay marxalad doorasho oo xasaasi ah, iyadoo dhaarinta Baarlamaanka 3-aad ee maamulkaasi shalay ka dhacday Baydhabo ay furtay wejiga xiga ee doorashada hoggaanka sare ee maamulka.









