LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

XOG:- Turkiga oo waan waan ka dhex-wada Madaxda DFS & Mucaaradka

Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa toddobaadyadii u dambeeyay kulamo gaar ah la yeeshay wakiillo ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka siyaasadeed, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo muranka la xiriira muddo xileedka hoggaanka dowladda.

Xog gaar ah oo uu helay Banaadir24.com ayaa tilmaamaysa in kulamadan, oo u dhacay si hoose isla markaana aan si rasmi ah loo shaacin, ay qayb ka yihiin dadaallo uu Turkigu ku doonayo inuu ku yareeyo xiisadda siyaasadeed ee sii kordheysa, xilli Soomaaliya wajahaysa marxalad siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, saraakiisha Turkiga ayaa labada dhinacba u caddeeyay in Ankara aysan la safnayn shaqsi, koox ama dhinac siyaasadeed oo gaar ah, balse ay taageersan tahay jiritaanka hay’adaha dowladda iyo nidaamka dowladeed ee dalka ka jira. Turkigu wuxuu xusay inuu doonayo inuu sii wado wada shaqaynta uu la leeyahay hay’adaha rasmiga ah ee Soomaaliya, isaga oo ilaalinaya xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in Turkigu muujiyay walaac ku saabsan hadallo dhowaan kasoo baxay qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka oo si toos ah ama dadban u dhaliilay kaalinta Ankara ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka fuliyo dalka.

Kulamadii lala yeeshay wakiillada mucaaradka, Turkiga ayaa lagu soo warramayaa inuu adkeeyay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad aad u nugul, marka loo eego xaaladda amni ee gudaha, khataraha kooxda Al-Shabaab, iyo sidoo kale tartanka saameynta dibadeed ee ka jira gobolka Geeska Afrika.

Saraakiisha Turkiga ayaa sida la sheegay xusay in Soomaaliya ay wajahdo cadaadisyo dibadeed iyo xaalado dhuleed oo u baahan feejignaan dheeraad ah, taas oo ka dhigaysa mid muhiim ah in laga fogaado khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah oo horseedi kara xasillooni darro hor leh.

Wararka la helayo waxay intaas ku darayaan in Turkigu si gaar ah u danaynayo in wada hadalladan ay u socdaan qaab hoose oo aan saxaafaddu si dhow ula socon, maadaama ay ku lug leeyihiin saraakiil ka tirsan hay’adaha sirdoonka iyo masuuliyiin kale oo amni, kuwaas oo door ka qaadanaya qiimeynta xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Ankara ay rumeysan tahay in ilaalinta xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay danaha gobolka iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee Turkiga uu la leeyahay Muqdisho, iyadoo Turkigu uu ka mid yahay saaxiibbada ugu dhow ee Soomaaliya marka la eego dhinacyada amniga, dib u dhiska iyo maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *