LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DFS oo ciidamo xoogan geysay Goobihii baydhabo kasoo weerareen Ciidanka Laftagareen

Taliska Militariga Soomaaliya ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada amniga Magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamo dheeraad ah la geeyay meelihii furnaa ee laga soo geli jiray magaalada, gaar ahaan marinnada aan ka tirsanayn kontoroolada rasmiga ah ee laga soo galo magaalada.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ay maalintii Axadda ciidamo dhigeen qaybo ka mid ah duleedka waqooyi ee magaalada.

Goobahan ayaa si gaar ah muhiim u noqday kadib markii Sabtidii ay halkaasi ka soo galeen ciidamo taageersan Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Ciidamadaasi soo galay Baydhabo ayaa la sheegay in markii dambe laga riixay bartamaha magaalada, kadib iska horimaad xooggan oo dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda. Dagaalkaasi waxaa ka qayb galay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, iyo sidoo kale ciidamada Booliska Baydhabo.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa sheegay in iska horimaadkaasi uu muddo saacado ah saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa magaalada, iyadoo laga dareemayay cabsi iyo feejignaan dheeraad ah xaafado dhowr ah.

Saraakiisha amniga ayaa haatan dib u eegis ku wada dhammaan marinnada laga soo geli karo Baydhabo, iyadoo tallaabadan lagu macneeyay mid looga hortagayo in mar kale magaalada laga soo geliyo ciidamo ama falal keeni kara qalqal amni.

Xoojinta amniga ayaa kusoo beegmaysa xilli Baydhabo ay martigelinayso marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo maalmaha soo socda la filayo inay noqdaan kuwa ugu mashquulka badan ee geeddi-socodka doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay guda galaan doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo sidoo kale doorashada hoggaanka cusub ee maamulka, arrintaas oo sare u qaaday feejignaanta amni ee magaalada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *