Sacdiyo Bajaaj oo Maanta la Maxkamadeynayo & Warbaahinta oo…

Waxaa maanta lagu wadaa in Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyo Sacdiyo Macalin Cali, oo si weyn loogu yaqaan “Sacdiyo Bajaaj”, kaddib muddo ku dhow 50 cisho oo ay ku xirneyd hay’adaha ammaanka Soomaaliya.
Sacdiyo ayaa caan ka noqotay baraha bulshada, halkaas oo ay si joogto ah ugu soo bandhigi jirtay aragtideeda ku aaddan arrimaha bulshada, siyaasadda iyo xaaladaha ka jira dalka. Waxaa sidoo kale si weyn loogu xasuustaa shaqadeedii mooto bajaajta, taas oo sababtay magaca ay bulshada badankiisu ku yaqaannaan ee “Sacdiyo Bajaaj”.
Intii ay ku firfircooneyd baraha bulshada, Sacdiyo waxay si cad u cabbiri jirtay fikradaheeda, iyadoo marar badan dhaliilo u jeedin jirtay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Taas ayaana keentay in kiiskeeda si weyn looga hadal hayo gudaha dalka iyo dibaddiisa.
Kiiska Sacdiyo ayaa mar kale hadal-heyn xooggan dhaliyay kaddib markii Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleeymaan Maxamed Maxamuud, uu dhawaan warbaahinta u sheegay in Sacdiyo lagu helay dambigii loo haystay. Hadalkaasi ayaa dad badan la yaab ku noqday, maadaama xilligaas aan wali maxkamad rasmi ah la horgeyn, islamarkaana aan go’aan maxkamadeed la gaarin.
Qareennada difaacaya Sacdiyo iyo dadka taageersan ayaa hadalka xeer ilaalinta ku tilmaamay mid ka horreeyay nidaamka garsoorka, iyagoo ku dooday in qof kasta uu xaq u leeyahay maxkamadeyn caddaalad ah iyo in dambigiisa lagu caddeeyo maxkamad horteeda.
Wararka laga helayo xarunta maxkamadda ayaa sheegaya in fadhiga maanta ay ka qeyb geli doonaan illaa lix abuukaate oo difaac u ah Sacdiyo, xubno ka tirsan qoyskeeda, iyada oo la sheegay in Warbaahinta loo diiday ka qeyb-galka iyo soo tebinta fadhiga Maanta.









