Dil ka dhacay degmada Beled-Xaawo igo xiisad ka dhalatay

Wararka naga soo gaaraya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 14 jir maanta lagu dilay agagaarka deegaanka barakacayaasha ee ku dhow xaafadda Farjano.
Goobjoogayaal ku sugan halka uu falka ka dhacay ayaa sheegay in meydka wiilka laga helay goob ku dhow xaafadahaasi, iyadoo xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaanka kadib dhacdada.
Ilaa hadda lama oga cidda sida rasmiga ah uga dambeysa dilkan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada ama hay’adaha ammaanka oo ku saabsan dhacdadaasi.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhacdadan laga yaabo inay xiriir la leedahay shaqaaqooyin shalay ka dhacay isla xaafadda, inkastoo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin karin xiriirka ka dhexeeya labada dhacdo.
Dadka deegaanka ayaa muujinaya walaac ku saabsan xaaladda amni ee deegaanka, iyagoo dalbanaya in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo falkaasi si loo ogaado cidda ka dambeysay.
Waxaa la filayaa in maamulka degmada iyo laamaha amniga ay saacadaha soo socda ka hadlaan dhacdadan, iyadoo bulshada deegaanka ay sugayaan faahfaahin dheeraad ah.









