Dhalinyaradii u xirnaa Dowladda oo ka sheekeeyay ciqaab loogu geystay Xabsiyada

Dhalinyaradii dowlada ay xirtay ayaa caawa ka sheekeeyey dhibaatooyinkii loogu geystay Xabsiyada ay ku jireen iyagoo si weyn u eedeeyey Taiiyaha Booliska G/Banaadir Macalin oo ay ku eedeeyeen in si foolxun uu u la dhaqmay dhamaan dhalinyaradii loo xiray Mucaaradnimada dowlada!.
Dhalinyarada hadashay waxay sheegeen in Habeen walba Bac-madow Madaxa loo gelin jiray si loo ciqaabo Sidookalane Cuntada loo diidi jiray si ay u dhahaan Mardambe Dowlada ma mucaaradeeno.
Waxay dhalinyarada sidookale sheegeen in Macalin Mahdi uu dib u xiray iyagoo Maxkamad ay fasaxday, Amarkaasna uu ka yimid Madaxweyne Xasan Shiikh oo dalbaday in lagu haayo Xabsiga inta ay dowlada ka taageerayaan Xitaa wuxuu codsaday inuu la kulmo dhalinyaradaas, dhageysto Tabashadooda, Loona keeno iyagoo Jilicsan oo dhahaayo dowwlada ayaa taageeersan nahay Sidookale uu Ergo u soo diray Balse dhalinyarada ay diideen sida ay ka sheegeen Xaflad weyn oo ka dhacday Hotelka Jaziira.
Dhalinyarada ayaa ugu damebyn Mowqifkooda ku adkeystay iyagoo sheegay inay Hogaamin doonaan Banaanbaxyada Mucaaradka ee 4-ta June Sidookale ay ka soo horjeedaan MW Xasan Shiikh oo ay sheegeen inuu waqtigiisii sharciga aha dhamaaday.









