Xiisad ka taagan Baydhabo iyo Kulankii Baarlamaanka oo baaqday

Waxaa mar kale dib u dhacay kulankii Baarlamaanka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ay sheegayaan in baaqashada kulanka ay salka ku hayso khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, kaas oo la xiriira qorshaha la sheegay in Villa Soomaaliya ay ka leedahay doorashada madaxtinimada maamulkaas.
Xog ay helayaan ilo ku dhow Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa tilmaamaya in dib u dhaca kulanka uu yimid kadib dadaallo socda oo lagu doonayo in la hakiyo waxa siyaasiyiinta mucaaradka maamulkaasi ku tilmaameen “faragelin siyaasadeed” oo uga imaneysa dowladda federaalka.
Qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa qaba in xilligan la isku dayayo in Baydhabo lagu qabto doorasho ay natiijadeedu horay u sii qorsheysan tahay, taas oo ay ku tilmaameen mid gacan-taag iyo cadaadis siyaasadeed ku dhisan.
Baaqashada kulanka Baarlamaanka ayaa hadda loo arkaa caqabad cusub oo si toos ah u saameyn karta jadwalka iyo diyaar-garowga doorashada madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Baaqashada kulanka Baarlamaanka ayaa hadda loo arkaa caqabad cusub oo si toos ah u saameyn karta jadwalka iyo diyaar-garowga doorashada madaxtooyada Koonfur Galbeed. Siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal arrimaha gudaha ah ayaa sheegaya in haddii xaaladdaasi sii socoto ay keeni karto ismariwaa siyaasadeed oo ka dhex dhasha hoggaanka maamulka, Baarlamaanka iyo dhinacyada mucaaradka.
Baydhabo ayaa maalmihii u dambeeyay ahayd xarunta dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan, iyadoo ay socdaan kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin xildhibaanno, odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaannada maamulkaas









