LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

SAWIRRO:- Dowladda Soomaaliya oo Koonfu4 Galbeed u diyaarineysa Ciidamo la dagaalama…

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay wehliyeen wasiirro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu furay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee magaalada Baydhabo cutubyo ka tirsan Ciidanka Birmadka Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo diyaarinayo ka qeyb qaadashada howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee dalka ka jira.

Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta awoodda ciidamada iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxaha khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada cusub ee tababarka loo furay ku dhiirrigeliyay inay muujiyaan karti, adkaysi iyo daacadnimo ay ugu adeegaan qarankooda. Waxa uu sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu tayeynayo ciidamada Soomaaliyeed si ay door muuqda uga qaataan sugidda amniga iyo xoreynta deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.

Taliyaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay ciidamada geesinimada iyo dadaalka ay muujiyeen intii lagu jiray howlgaladii kala duwanaa ee lagu xaqiijinayay amniga dalka. Wuxuu xusay in guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay ku yimaadeen iskaashi dhow, isku-duubni iyo naf-hurnimo ay muujiyeen Ciidanka Xoogga Dalka, ciidamada dowlad-goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Guul kasta oo laga gaaray dagaalka lagula jiro argagixisada waxay ka dhalatay wadajir, geesinimo iyo naf-hurnimo ay muujiyeen ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa muhiim ah in la sii xoojiyo midnimada iyo wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni buuxda,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ee munaasabadda ka hadlay ayaa iyaguna sheegay in tababarkan uu kor u qaadayo tayada iyo awoodda ciidamada deegaanka, isla markaana uu qeyb weyn ka qaadan doono dadaallada lagu sugayo amniga guud ee deegaannada maamulkaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *