Buuq ka taagan Garoonka Aadan-Cadde iyo duulimaayada oo…

Xiisad iyo jahwareer ayaa maanta ka taagan gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kaddib markii la hakiyay dhammaan duulimaadyadii bixi lahaa galabta, taas oo saameyn weyn ku yeelatay isu socodka rakaabka iyo howlaha caadiga ah ee garoonka.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo rasmi ah oo ku sugan gudaha garoonka, hakadka duulimaadyada ayaa yimid kaddib muran la xiriira dhul iyo maamulka goob ka tirsan gudaha garoonka, kaas oo la sheegay inuu u dhexeeyo qaar ka mid ah hay’adaha dowladda ee halkaasi ka wada shaqeeya.
Wararka laga helayo gudaha garoonka ayaa tilmaamaya in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay si ku meel gaar ah u joojisay bixitaankii diyaaradaha galabta, iyadoo la sugayo xal laga gaaro khilaafka taagan.
Hakadkaasi wuxuu sababay in boqolaal rakaab ah oo qorsheynayay safarro gudaha iyo dibadda ah ay gudaha garoonka ku xanibmaan, iyadoo qaar badan ay muddo saacado ah sugayeen war rasmi ah oo ku saabsan xaaladda duulimaadyadooda.
Goobjoogayaal ku sugan garoonka ayaa sheegay in jawigu yahay mid cakiran, islamarkaana ay jirto ciriiri ka muuqda qeybaha sugitaanka rakaabka, halka shirkadaha diyaaradaha ay wadaan dadaallo lagu dejinayo xaaladda iyo la socodsiinta rakaabka.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo si buuxda uga soo baxay dhinacyada isku haya arrinta, hase yeeshee ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dadaallo lagu xallinayo muranka socda, si dib loogu bilaabo adeegyada duulimaadyada saacadaha soo socda.









