XOG:- Mukeyfyada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde oo la demiyay iyo quus ka taagan

Mukeyfyada gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ayaa la sheegay in ay maanta dansan yihiin, iyadoo boqolaal rakaab ah oo ku sugnaa gudaha garoonka ay wajahaan kuleyl aad u daran iyo ciriiri ka dhashay qaboojin la’aanta gudaha terminal-ka.
Rakaab ku sugnaa qeybaha sugitaanka iyo hoolalka bixitaanka ayaa sheegay in jawiga gudaha garoonka uu noqday mid aad u kulul, taasoo saameyn ku yeelatay dadka safarka ah, gaar ahaan carruurta, dadka waayeelka ah iyo dadka safarrada dheer kasoo degay Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka qaarkood ay ku qasbanaadeen inay bannaanka u baxaan si ay hawo u helaan, halka kuwo kalena ay cabashooyin ka muujiyeen xaaladda adag ee ka jirtay gudaha garoonka. Dadka safarka ah ayaa tilmaamay in cilladdan ay noqotay mid soo noqnoqota, islamarkaana aan weli xal rasmi ah loo helin.
Cabashooyinka ayaa si weyn ugu wajahan Favori LLC, shirkadda gacanta ku haysa maamulka iyo adeegyada garoonka, taasoo lagu eedeynayo in aysan xal waara u helin cilladaha farsamo ee marar badan ka dhaca gudaha garoonka.
Qaar kamid ah rakaabka ayaa sheegay in aysan tani ahayn markii ugu horreysay ee ay mukeyfyadu dammaan, balse ay dhowr jeer oo hore sidan oo kale u dhacday, taasoo keentay in shacabka isticmaala garoonka ay lumiyaan kalsoonidii adeegga halkaasi laga heli jiray.
Mid kamid ah rakaabka ayaa yiri:
“Kuleylka gudaha garoonka maanta wuxuu ahaa mid aad u adag. Dadku aad bay u dhibtoonayeen, gaar ahaan dadka waayeelka ah iyo carruurta. Arrintan marar badan ayay dhacday.”
Cilladaha la xiriira qaboojinta, korontada iyo adeegyada gudaha garoonka ayaa muddooyinkii dambe noqday kuwo si joogto ah loo hadal hayo, iyadoo shacabka ay walaac ka muujinayaan tayada adeegyada laga helo garoonka ugu weyn dalka.
Waxaa sidoo kale sii kordhaya baaqyada loogu yeerayo in dib-u-eegis lagu sameeyo maamulka adeegyada garoonka, isla markaana si degdeg ah wax looga qabto cabashooyinka rakaabka si loo helo adeeg joogto ah oo la jaanqaadaya baahida shacabka iyo martida dalka soo galeysa.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Favori LLC oo faahfaahin ka bixinaya sababta keentay cilladda maanta keentay in mukeyfyadu dammaan.









