LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidanka Dowladda oo u daatay Saldhigga Al-Shabaab, Horjoogayaal iyo hub la qabtay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo baaritaan iyo sifeyn ah ka fuliyay deegaanka Suleymaan, kaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkan oo qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida dalka ayaa ciidamada Danab waxay gudaha u galeen deegaanka Suleymaan, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaanno amni iyo howlgallo lagu baacsanayo xubno ka tirsan kooxda.

Wararka laga helayo howlgalka ayaa sheegaya in ciidamada ay ku guuleysteen qabashada horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay abaabulayeen falal amni-darro iyo dhibaatooyin ka dhan ah shacabka ku nool deegaanka iyo nawaaxigiisa.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in xubno ka tirsan kooxda ay ka baxsadeen deegaanka markii ay ogaadeen dhaq-dhaqaaqa iyo soo gelitaanka Ciidanka Danab. Intii ay baxsanayeen ayay ka tageen bakhaarro ay ku keydsanaayeen hub, rasaas iyo sahay kale oo sharci-darro ah, kuwaas oo ciidamada ay gacanta ku dhigeen.

Ilo amni ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku dayeen inay ku dhex dhuuntaan shacabka deegaanka Suleymaan si ay uga baxsadaan howlgalka, balse ciidamada ayaa si taxaddar leh u kala saaray shacabka iyo maleeshiyaadka, taas oo suuragelisay in la qabto horjoogayaal muhiim ah.

Howlgalkan ayaa muujinaya xoojinta howlaha amni ee Ciidanka Kumaandooska Danab ay ka wadaan deegaannada ay weli isku dayayaan inay ku dhuumaaleysanayaan kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kordhiyay howlgallada lagu ciribtirayo kooxda, iyadoo ujeeddadu tahay sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed iyo ka hortagga falalka amni-darro ee ay kooxdaasi ka waddo qeybo kamid ah dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *