LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sarkaal Boolis ah oo lagu dilay degmada ugu amniga badan Muqdisho

Waxaa degmada Cabdi Casiis ee magaalada Muqdisho lagu dilay Janaraal Salaad Dalqoor, oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta dhacdadu ka dhacday.

Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, dilka Janaraalka ayaa ka dhacay agagaarka gurigiisa oo ku yaalla degmada Cabdi Casiis. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida weerarku u dhacay iyo tirada dadka ku lugta lahaa ayaan weli si rasmi ah loo shaacin.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamada ammaanku ay si degdeg ah u gaareen goobta dhacdadu ka dhacday, halkaas oo ay ka bilaabeen baaritaanno la xiriira dilka. Ilo amni ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan shaqsiyaad loo xiray dhacdada, kuwaas oo hadda ku jira baaritaan, inkastoo aan weli la shaacin magacyadooda ama eedeymaha rasmiga ah ee loo haysto.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli hay’adaha ammaanku ay hore uga digeen dhaq-dhaqaaqyo ay sheegeen inay ka socdeen qaybo ka mid ah degmada Cabdi Casiis iyo deegaannada ku dhow, kuwaas oo ay ku eedeeyeen maleeshiyaad ay mucaaradku abaabulayeen.

Si kastaba ha ahaatee, lama xaqiijin xiriir toos ah oo u dhexeeya digniinahaas iyo dilka Janaraal Salaad Dalqoor.

Marxuumka ayaa ahaa sarkaal si weyn looga yaqaanay dalka, waxaana geeridiisa ka naxay dad badan oo ay ku jiraan ehelkiisa, saaxiibbadiis iyo bulshada uu ka tirsanaa. Janaraal Salaad Dalqoor ayaa reer ahaan kasoo jeeday beesha Duduble.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *