LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay xaaladda dalka kuna baaqday…

Beesha caalamka ayaa maanta soo saartay bayaan wadajir ah oo ay kaga hadashay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, iyagoo muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan marxaladda uu dalku marayo.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya loogu baaqayo inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadalka, isla markaana ay gaaraan heshiis ku saabsan hannaan iyo jadwal doorasho oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed.

Saxiixayaasha bayaanka ayaa adkeeyay in beesha caalamku diyaar u tahay inay taageerto wada-hadallada ay Soomaalidu hoggaaminayso haddii taas la codsado.

“Xilligan xasaasiga ah, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta xiisad sii kororta,”
ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaankan waxaa si wadajir ah u saxiixay safaarado iyo hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin dalalka Yurub iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo si dhow ula socda xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Beesha caalamku waxay ugu dambeyn ku celisay baaqeeda ku aaddan in la ilaaliyo xasilloonida dalka, lana helo isfaham siyaasadeed oo Soomaaliyeed oo lagu wajahayo arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka dowladnimada dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *