Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Go’aan la yaab leh ka qaadatay kiiska Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta dib ugu celisay Xafiiska Xeer Ilaalinta kiiska loo haysto Sacdiyo Macallin Bajaaj, kaddib markii maanta loo horgeeyay dhageysiga hordhaca ah ee dacwadda ka furan.
Fadhiga maxkamadda oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu dhegeystay eedeymaha ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, iyadoo dhinacyada dacwadda ay maxkamadda horgeeyeen doodahooda la xiriira kiiska.
Qareenka difaacaya Sacdiyo Macallin Bajaaj, oo warbaahinta la hadlay markii uu soo dhammaaday fadhiga maxkamadda, ayaa sheegay in garsoorku uusan ku qancin waxyaabihii ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, gaar ahaan eedeymaha iyo caddeymaha lagu saleeyay dacwadda.
Qareenka ayaa xusay in maxkamaddu go’aamisay in kiiska dib loogu celiyo Xafiiska Xeer Ilaalinta si loo dhammaystiro gal-dacwadeedka, loona soo buuxiyo waxyaabaha ka dhiman eedeymaha iyo caddeymaha la xiriira kiiska.
Sida uu sheegay qareenku, maxkamaddu waxay amartay in Xafiiska Xeer Ilaalinta uu soo diyaariyo eedeymo iyo caddeymo dhammaystiran ka hor inta aan mar kale dib loo guda gelin dhageysiga dacwadda.
Go’aanka maanta kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dib u dhigaya sii ambaqaadka dacwadda, iyadoo la sugayo in Xafiiska Xeer Ilaalintu kasoo dhammaystiro wixii maxkamaddu ka dalbatay.
Ilaa hadda, Xafiiska Xeer Ilaalinta si rasmi ah uga hadlin go’aanka maxkamadda iyo tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, hase yeeshee waxaa la filayaa in mar kale dib loo muddeeyo dhageysiga kiiska marka la soo dhammaystiro galka dacwadda.









