Author: Banaadir24 Editor

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo muddo dheer uu ka dhex jiray khilaaf siyaasadeed iyo mid deegaan, ayaa ku kulmay magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarrama, halkaas oo ay ku dhexmartay is cafin guud. Kulankan ayaa yimid xilli lagu jiro maalmo cibaado, waxaana la sheegay in labada dhinac ay muujiyeen niyad wanaagsan oo ku aaddan in la yareeyo xiisaddii iyo kala aragti duwanaanshihii u dhexeeyay. Inkastoo kulanka Makka uusan si toos ah diiradda u saarin qodobbadii khilaafka sababay, haddana ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in la qorsheynayo kulamo kale oo si rasmi…

Read More

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Turkiga, Admiral Zeki Aktürk, ayaa shaaciyay in afar markab oo ka tirsan ciidamada badda ee Turkiga ay 16-ka Maarso ka ambabixi doonaan Bariga Badda Mediterranean-ka, iyagoo kusoo wajahan Soomaaliya. Maraakiibta la qorsheeyay inay safarka soo bilaabaan ayaa kala ah TCG Göksu, TCG Bayraktar, TCG Bartın iyo TCG Yzb. Güngör Durmuş. Safarkooda ayaa qayb ka ah hawlgalka ay wadaan ciidamada badda ee loo yaqaan “Türkiye Somalia Naval Task Group”, oo diiradda saaraya xoojinta iskaashiga dhinaca amniga badda ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya. Hawlgalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay mid lagu taageerayo dadaallada lagu sugayo amniga biyaha…

Read More

Danjire Maxamed Cusmaan Maxamed oo dhawaan loo magacaabay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria ayaa lagu wadaa inuu bilowga toddobaadkan u safro magaalada Abuja, halkaas oo uu si rasmi ah uga bilaabi doono howlaha diblomaasiyadeed ee safaaradda. Danjiraha ayaa la filayaa inuu la wareego mas’uuliyadda safaaradda Soomaaliya ee Nigeria, isla markaana uu xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria. Tagitaanka Danjire Maxamed Cusmaan Maxamed ee Abuja ayaa kusoo beegmaya xilli hantidii ay dowladdu ku lahayd dalkaas, oo ay kamid tahay dhismihii Safaaradda Soomaaliya, la sheegay in laga iibiyay shirkad gaar loo leeyahay. Arrintan…

Read More

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa soo dhaweeyay ansixinta baarlamaanka labada Aqal ee Dastuurka dalka ,kaas oo siwye  uga soo horjeedaan siyaasiyinta mucaaradka ee ku mideysan golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Inta badan Shacabka Soomaaliyeed. War saxaafadeed kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in ansixinta dastuurka ay tahay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah dhismaha hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya iyo xoojinta nidaamka dastuuriga ah ee ku dhisan sharciga. Sidoo kale, tallaabadan ayaa gacan ka geysan doonta kala soocidda awoodaha dowladda, ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah, iyo adkeynta midnimada dalka. Afhayeenka Xoghayaha Guud, Jamaal Roshdi,…

Read More

Xildhibaanada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika ee East African Community (EAC) ayaa lagu wadaa in lagu dhaariyo magaalada Arusha maalinta Isniinta ah ee 16-ka Maarso, kaddib muddo hakad ku jiray ka qeybgalka Soomaaliya ee baarlamaanka ururkaas. Soomaaliya waxaa ku matalaya sagaal xubnood oo ka tirsan East African Legislative Assembly (EALA). Xubnahan ayaa muddo aan la dhaarin sababo la xiriira qaaraanka ururka oo ay Soomaaliya ku yeelatay dib-u-dhac, arrintaas oo keentay in guddoonka baarlamaanka EAC uu hakiyo dhaarintooda. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Soomaaliya weli aysan bixin qaaraanka sannadlaha ah ee ku waajibay sanadka 2025, hase yeeshee…

Read More

Madaxweynihii hore ee dalka Shekh Shariif Shekh Axmed ayaa si adag u Cambaareeyay Xiriga ay dowlada Soomaliya u geysatay Sacdiyo Bajaaj iyo qaar kamida dhalinyarada Bajaajta ku Xamaasha. “Waxaan aad iyo aad uga xumahay islamarkaana aan si adag u cambaareynayaa xarigga ay dowladdu u gaystay Sacdiyo Macallin Cali oo ah gabar aqoonyahanad ah oo dooratay inay ku shaqeysto mooto bajaaj si ay ugu maareyso nolosha qoyskooda. Tacadiyadda sii kordhaya ee loo gaysanayo dhallinyarada gaadiidka bajaajta, ma ahan wax la aqbali karo waxaana ugu baaqayaa madaxda sarre ee dowladda in si dhab ah wax looga qabto falalkaan gurracan ee dhaawacaya dowladnimada,…

Read More

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, ayaa si kulul uga hadlay bannaanbaxyada maalmahan ka socda ee ay sameynayeen bajaajleyda, kuwaas oo qaar ka mid ah la xiray kadib markii ay cabasho ka muujiyeen qiima kororka shidaalka. Mahdi Cumar Muumin, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin bannaanbaxyo fowdo ah, isla markaana uu sheegay in dadka qaarkood ee bannaanbaxyada ka qayb qaadanaya ay ku lug leeyihiin siyaasiyiinta caruurtooda dibadda ku sugan. Taliyuhu wuxuu intaa ku daray in dhalinyarada ay xaq u leeyihiin in ay muujiyaan aragtidooda, laakiin aan la aqbali doonin in bannaanbaxyadu wax u dhimaan amniga…

Read More

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta soo xirtay tababar muddo lix bilood ah u socday cutubyo cusub oo ka tirsan Booliiska Gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Hassan Cabdiqaadir, oo si rasmi ah u soo xiray tababarka ciidamada cusub. Intii uu socday tababarku, ciidamada waxaa si gaar ah loo xoojiyey xirfaddooda ciidan, aqoontooda ammaanka, iyo adeegsiga agabka kala duwan ee howlgalada. Wasiirka waxaa munaasabadda ku wehliyey Ibraahim Xaaji oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka…

Read More

Ciidamada ka tirsan Booliska saldhigga Degmada Hodan  ayaa xabsiga dhigay wariye Xuseen Maxamed Maxamuud (Sigane), oo ka tirsan Kaab TV, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo ee saxaafadeed. Sida ay sheegayaan ilo ku dhow warbaahinta, wariyaha ayaa la xiray isagoo ku hawlan tebinta xaalad la xiriirta bannaanbax ay sameynayeen darawallada bajaajta, kuwaas oo ka cabanayay arrimo la xiriira shaqadooda. Xarigga wariyahan ayaa imaanaya maalin kaddib markii ciidamada booliska ay xireen tiro kale oo wariyeyaal ah oo iyaguna tabinayay bannaanbaxa bajaajlayaasha ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dhacdadan ayaa walaac ka dhalisay warbaahinta iyo saxafiyiinta ka howlgala caasimadda,…

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), lagu eedeeyay inay fariisimo cusub ka sameysteen duleedka magaalada, gaar ahaan agagaarka kaamamka ay ku nool yihiin dadka danyarta ah. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa muujiyay walaac ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada ciidamada, iyagoo sheegay in fariisimahan laga dhisay meel u dhow goobaha ay ku badan yihiin barakacayaasha. Dadka deegaanka qaarkood ayaa u fasirtay arrintan in haddii uu dagaal dhaco, goobahaasi loo doortay si ciidamada uga badbaadaan weerarro toos ah, maadaama ay shacab ku nool yihiin agagaarkooda. Xiisadda siyaasadeed ee…

Read More