LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay xariga Bajaajleyda

Madaxweynihii hore ee dalka Shekh Shariif Shekh Axmed ayaa si adag u Cambaareeyay Xiriga ay dowlada Soomaliya u geysatay Sacdiyo Bajaaj iyo qaar kamida dhalinyarada Bajaajta ku Xamaasha.

“Waxaan aad iyo aad uga xumahay islamarkaana aan si adag u cambaareynayaa xarigga ay dowladdu u gaystay Sacdiyo Macallin Cali oo ah gabar aqoonyahanad ah oo dooratay inay ku shaqeysto mooto bajaaj si ay ugu maareyso nolosha qoyskooda.

Tacadiyadda sii kordhaya ee loo gaysanayo dhallinyarada gaadiidka bajaajta, ma ahan wax la aqbali karo waxaana ugu baaqayaa madaxda sarre ee dowladda in si dhab ah wax looga qabto falalkaan gurracan ee dhaawacaya dowladnimada, xorriyadda hadalka islamarkaana aan xal u ahayn ka jawaabista cabashada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaan sidoo kale uga digayaa hay’addaha ammaanka, adeegsiga awood ka baxsan waajibaadkooda sharciga ah, waana in si deg-deg ah xorriyadooda dib loogu siiyo wadayaasha Bajaajleyda oo ay ka mid tahay Sacdiyo Macallin Cali.”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *