LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka Koonfur Galbeed oo Ciidamo farabadan geeyay duleedka Baydhabo iyo xiisad ka dhalatay

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), lagu eedeeyay inay fariisimo cusub ka sameysteen duleedka magaalada, gaar ahaan agagaarka kaamamka ay ku nool yihiin dadka danyarta ah.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa muujiyay walaac ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada ciidamada, iyagoo sheegay in fariisimahan laga dhisay meel u dhow goobaha ay ku badan yihiin barakacayaasha. Dadka deegaanka qaarkood ayaa u fasirtay arrintan in haddii uu dagaal dhaco, goobahaasi loo doortay si ciidamada uga badbaadaan weerarro toos ah, maadaama ay shacab ku nool yihiin agagaarkooda.

Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo qaar ka mid ah mucaaradkiisa ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysaneysay. Wararka la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in kooxo mucaarad ah ay hub iyo ciidamo ku sugan yihiin duleedka Baydhabo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Bay.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyada militari ee labada dhinac ay sare u qaadeen cabsi laga qabo isku dhac ka dhaca magaalada iyo hareeraheeda, taasoo saameyn ku yeelan karta xaaladda amni iyo tan bini’aadantinimo ee dadka rayidka ah.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku saabsan eedeymaha la xiriira fariisimaha cusub ee ciidamada.

Dadka deegaanka iyo qaar ka mid ah bulshada rayidka ah ayaa ku baaqay in dhinacyada siyaasadeed ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta isku dhac hubeysan, isla markaana mudnaanta la siiyo wadahadal lagu xallinayo khilaafaadka jira.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *