Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa si kulul u cambaareeyay tacaddiyada iyo xarigga loo geystay darawallada bajaajka ee magaalada Mogadishu, kuwaas oo maanta bannaanbax ka dhigay caasimadda si ay u muujiyaan cabashadooda ku saabsan sicir-bararka iyo duruufaha nololeed ee sii adkaanaya, kaas oo ugu weynyahay qiima kororka Shidaalka. Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku shaqeysta bajaajka, kuwaas oo ku dadaalaya inay si sharaf leh u maareeyaan nolol maalmeedkooda, ay mudan yihiin garab istaag iyo in laga dulqaado culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan. “Waxaan si adag u cambaaraynayaa tacaddiyada iyo xarigga…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Ahxed Maxamed Islam Madobe ayaa caawa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabtay kulan afur ah oo uu la yeeshay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda degaannada Jubaland oo ku sugan halkaasi. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda Somalia iyo jihada la filayo in ay qaadaan hoggaamiyeyaashaSoomaalida marka ay soo dhammaato bisha barakeysan ee Ramadan. Wararka laga helayo kulanka ayaa tilmaamaya in sidoo kale la isla soo qaaday arrimo la xiriira ammaanka, siyaasadda guud ee dalka iyo doorka Jubaland ku leedahay marxaladaha soo socda. Axmed Maxamed Islam Madobe oo muddooyinkii u dambeeyay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay. Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Jabuuti ayaa salka ku haysa aragti wadaag ku saleysan xaaladda gobolka, iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay dalka Jabuuti, waxa uu la kulmi doona, dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka arrinsan doonaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo…
Dagaal sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta ka dhacay deegaanka Xagaaydegay oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay ciidamo ay kala wateen nin lagu magacaabo Muuse Xaadoole, oo la dhashay Xildhibaan Ismaan Xaadoole, iyo mid ka mid ah guddoomiye-waaxeedyada degmada Warsheekh. Wararka la helayo ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan afar qof ay ku geeriyoodeen dagaalka, kuwaas oo uu ku jiro Muuse Xaadoole. Sidoo kale waxaa jira tiro kale oo ka badan oo ku dhaawacantay iskahorimaadka, kuwaas oo qaarkood loo qaaday goobaha caafimaadka ee ku dhow deegaanka. Ilaa iyo hadda…
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gudaha u galay deegaanka istiraatiijiga ah ee Xawaadley oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen maleeshiyada Al-Shabaab. Howlgalkan oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoreynayo deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ayaa waxaa hoggaaminaya saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda. Saraakiisha ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in ciidamada ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka, isla markaana ay wadaan baaritaanno iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga. Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada ay si gaar ah u ilaalinayaan badqabka shacabka ku nool deegaanka, iyagoo hubinaya in aan waxyeello soo…
Ciidamada Mareykanka ee hoos yimaada Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo fariisimo ku leh togga Baallade ee buuraha Calmiskaad, gobolka Bari. War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhacday meel qiyaastii 70 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso. Taliska AFRICOM ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu ka dhacay iskaashi ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Waxay xuseen…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay agagaarka deegaanka Xawaadleey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Xawaadleey. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana jugta rasaasta iyo madaafiicda laga maqlayay deegaanno ka tirsan agagaarka Xawaadleey. Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay khasaaro gaarsiiyeen Al-Shabaab intii uu socday dagaalka, ayna sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxda.…
Darawalada mootooyinka Bajaajta ayaa maanta bannaanbax ka dhigay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyagoo ka cabanaya sare u kaca joogtada ah ee qiimaha shidaalka. Bannaanbaxa ayaa inta badan ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, oo kamid ah wadooyinka ugu mashquulka badan ee caasimadda. Darawalada ayaa halkaasi ku muujinayay sida ay uga walaacsan yihiin qiimaha shidaalka oo si joogto ah u kordhaya maalmahan. Ciidamada Booliska ayaa rasaas ku kala eryay bannaanbaxayaasha kadib markii darawalada ay xireen Isgoyska Taleex, taas oo sababtay in hakad ku yimaado isu socodka gaadiidka ee aaggaasi. Sida ay sheegeen goobjoogayaal, ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xir xiray qaar…
Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay maamulaan kooxda Al-Shabaab, iyadoo la sheegay in khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay kooxdaas. Duqeynta ayaa la tilmaamay in lala beegsaday guri uu shir uga socday horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay nin lagu sheegay guddoomiyaha degmada Maxaas ee kooxda u qaabilsan. Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in duqeynta lagu gaarsiiyay Al-Shabaab khasaare xooggan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in…
Wefdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka ambabaxay dalka, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka. Wefdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, iyo sidoo kale xubno kale oo ka tirsan saaxiibada dhow ee Madaxweynaha Soomaaliya. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in safarka wefdigan uu la xiriiri karo shirar iyo kulamo ka dhici doona Mareykanka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo arrimo ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca shidaalka iyo macdanta. Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulamada la filayo ay dhex mari doonaan…