Booliska Muqdisho oo xiray Wariye iyo cabsi soo wajahday

Ciidamada ka tirsan Booliska saldhigga Degmada Hodan ayaa xabsiga dhigay wariye Xuseen Maxamed Maxamuud (Sigane), oo ka tirsan Kaab TV, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo ee saxaafadeed.
Sida ay sheegayaan ilo ku dhow warbaahinta, wariyaha ayaa la xiray isagoo ku hawlan tebinta xaalad la xiriirta bannaanbax ay sameynayeen darawallada bajaajta, kuwaas oo ka cabanayay arrimo la xiriira shaqadooda.
Xarigga wariyahan ayaa imaanaya maalin kaddib markii ciidamada booliska ay xireen tiro kale oo wariyeyaal ah oo iyaguna tabinayay bannaanbaxa bajaajlayaasha ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Dhacdadan ayaa walaac ka dhalisay warbaahinta iyo saxafiyiinta ka howlgala caasimadda, iyadoo la sheegayo in ay sii kordhayaan xarigyada loo geysanayo wariyeyaasha xilliyada ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha Booliska Soomaaliya oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee loo xiray wariyaha ka tirsan Kaab TV.
Saxafiyiinta iyo qaar ka mid ah ururrada u dooda xorriyadda saxaafadda ayaa marar badan ku baaqay in la ixtiraamo xuquuqda wariyeyaasha, isla markaana loo oggolaado inay si xor ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.









