Sawirro:- Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay Ciidamo la dagaalama mucaaradka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta soo xirtay tababar muddo lix bilood ah u socday cutubyo cusub oo ka tirsan Booliiska Gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Hassan Cabdiqaadir, oo si rasmi ah u soo xiray tababarka ciidamada cusub. Intii uu socday tababarku, ciidamada waxaa si gaar ah loo xoojiyey xirfaddooda ciidan, aqoontooda ammaanka, iyo adeegsiga agabka kala duwan ee howlgalada.
Wasiirka waxaa munaasabadda ku wehliyey Ibraahim Xaaji oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka tirsan laamaha ammaanka.
Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa ku bogaadiyey ciidamada cusub dadaalka ay muujiyeen muddadii uu socday tababarku, iyagoo ku booriyey inay si hufan uga shaqeeyaan sugidda amniga, ilaalinta shacabka, iyo xoojinta kalsoonida bulshada.
Soo bandhigista cutubyadan cusub ayaa ku soo aadeysa xilli maamulka Koonfur Galbeed uu wajahayo mucaarad hubeysan oo ka jira deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool, iyadoo la filayo in ciidamada la tababaray ay door muhiim ah ka qaataan xoojinta ammaanka iyo howlgalada lagu sugayo nabadgelyada.
Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sidoo kale tilmaamay in dadaallada lagu tayeynayo ciidamada ammaanka ay qayb ka yihiin qorshaha lagu xoojinayo amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed.










