LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne laftagareen & Xildhibaan Jeesow oo heshiiyay

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo muddo dheer uu ka dhex jiray khilaaf siyaasadeed iyo mid deegaan, ayaa ku kulmay magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarrama, halkaas oo ay ku dhexmartay is cafin guud.

Kulankan ayaa yimid xilli lagu jiro maalmo cibaado, waxaana la sheegay in labada dhinac ay muujiyeen niyad wanaagsan oo ku aaddan in la yareeyo xiisaddii iyo kala aragti duwanaanshihii u dhexeeyay.

Inkastoo kulanka Makka uusan si toos ah diiradda u saarin qodobbadii khilaafka sababay, haddana ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in la qorsheynayo kulamo kale oo si rasmi ah looga wada hadli doono arrimaha la isku hayay, marka ay dhinacyadu dib ugu soo laabtaan dalka. Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in kulamadaas la filayo inay ka dhacaan magaalada Baydhaba.

Khilaafka u dhexeeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa salka ku hayay dagaalkii ka dhacay deegaanka Yaaqbariweyne ee degmada Wanlaweyn, halkaas oo ay isku farasaareen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad la sheegay inay daacad u ahaayeen Xildhibaan Jeesow.

Kulanka Makka iyo is cafinta dhexmartay labada mas’uul ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca yaraynta xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa deegaan ee ka jiray gobolka, iyadoo la filayo in wadahadallada mustaqbalka ay horseedi karaan xal waara.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *