LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliye Macalin Mahdi oo u hanjabay Dhalinyarada mucaaradsan dowladda Xasan Sheekh

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, ayaa si kulul uga hadlay bannaanbaxyada maalmahan ka socda ee ay sameynayeen bajaajleyda, kuwaas oo qaar ka mid ah la xiray kadib markii ay cabasho ka muujiyeen qiima kororka shidaalka.

Mahdi Cumar Muumin, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin bannaanbaxyo fowdo ah, isla markaana uu sheegay in dadka qaarkood ee bannaanbaxyada ka qayb qaadanaya ay ku lug leeyihiin siyaasiyiinta caruurtooda dibadda ku sugan.

Taliyuhu wuxuu intaa ku daray in dhalinyarada ay xaq u leeyihiin in ay muujiyaan aragtidooda, laakiin aan la aqbali doonin in bannaanbaxyadu wax u dhimaan amniga guud ee gobolka.

“Waxaa jira dhalinyaro qurux badan oo maalmahan sheegay in haddii la gaaro 15-ka May ay dagaal bilaabi doonaan. Dadka sidan u hadlaya ma aqbali doono,” ayuu yiri Mahdi Cumar Muumin.

Hadalka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli mucaaradku ay dhowr jeer sheegeen in qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidamadu ay ku milmeen siyaasadda, ayna u adeegayaan madaxda dalka joogta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *