Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa maanta howlgal ka fuliyay deegaano ku dhow Gandarshe oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku burburiyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Warar laga helayo saraakiil ka tirsan Ciidanka Militariga ayaa sheegaya in howlgalka uu si gaar ah uga dhacay dhulka u dhow Gandarshe, islamarkaana ciidamada ay ku guuleysteen inay burburiyaan dhufaysyo iyo fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas. Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu fashiliyay qorshe ay kooxda Al-Shabaab ka damacsanaayeen deegaannada ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose. Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulan xalay dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, iyo hoggaamiyeyaasha dalalka dariska ah ee Ethiopia iyo Djibouti lagu falanqeeyay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Sida ay sheegeen ilo ka tirsan Villa Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa ka codsaday dalalka dariska ah inay door firfircoon ka qaataan dadaallada lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadallada u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa maalmaha soo socda. Wararka ayaa intaas ku daraya in Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed uu qorsheynayo inuu gogosha wadahadalka dhigo, iyadoo la filayo in ay kulmaan Madaxweyne Hassan…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka dalka, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka fiirsadaan qiimaha ay ku iibinayaan shidaalka si aan culays dheeraad ah loogu saarin shacabka. Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiwahaab Cabdi Cumar (Caanuug), ayaa sheegay in xaaladda caalamka ay marayso marxalad adag, gaar ahaan saameynta ka dhalatay dagaallada ka socda Bariga Dhexe, taasoo saameyn ku yeelatay sahayda shidaalka ee la keeno Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka ayaa tilmaamay in isbeddelka xaaladda caalamiga ah uu ku qasbay ganacsatada inay wax ka beddelaan qiimaha…
Degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo kacsan kadib kala qaybsanaan ka dhalatay taageerada ama diidmada dastuurka ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya. Khilaafkan ayaa u dhexeeya laba garab oo kala taageersan hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo kala aragti duwan ka qaba arrinta dastuurka. Qayb ka mid ah bulshada iyo maamulka degmada ayaa si cad u taageersan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan, oo asal ahaan ka soo jeeda degmada Xudur isla markaana door muuqda ka qaatay dadaallada lagu dhammaystirayo dastuurka dalka. Dhanka kale, garab kale oo ka tirsan bulshada iyo masuuliyiinta deegaanka ayaa…
Ciidamo katirsan Booliiska ayaa Maanta Sacdiya Macalin Cali oo ka mid ah Bajaajleyda Muqdisho kuwaas oo maalmahan ka cabanayay Sicirka Qiimaha Shidaalka , iyaga oo saaka kala degay Bajaajtii ay waday agagaarka Isgoyska Taleex. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaareeyay xarigga loo geystay Sacdiyo Macallin Cali, xilli ayt ku guda jirtay Shaqa Maalmeeedkeeda caadiga ah. Sacdiyo ma aha oo kaliya wade Bajaaj ee waa gabar labo shahaado jaamacadeed shaqo ku waysay, balse sida dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed waxay kaxaynta Bajaajta u dooratay in ay nafteeda iyo tan qoyskeeda ku maareyso ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hay’adaha Amniga Dowladda…
Waddamada Khaliijka oo markoodii ugu horeysay si adag u cambaareeyay Israa’iil tan iyo markii uu bilowday dagaalka Bariga Dhexe. Qaar ka mid ah Dawladaha Khaliijka iyo waddamada Turkiga,Masar, Pakistan iyo Indooniisiya ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada maamulka Israal uu ku xiray Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa. Qoraal si wadajir ah ay waddamadan u soo saareen ayaa lagu yiri: “Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya, Urdun, Imaaraadka Carabta , Qadar, Indooniisiya, Pakistan, Masar, iyo Turkiga waxay cambaareynayaan tallaabada ay sii wadaan maamulka gumeysiga Israa’iil ee ah xiritaanka albaabada Masaajidka Al-Aqsa, taas oo ka hor istaagaysa Muslimiinta inay ku cibaadeystaan, gaar ahaan…
Rag hubeysan ayaa caawa degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ku dilay Allaha u naxariistee Nabadoon Hire Dhiire Ibraahim oo kamid ahaa nabaddoonada ugu caansan gobolkaas. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada, dablay hubeysan ayaa toogtay nabaddoonka xilli uu kasoo baxay masjid ku yaalla magaalada Balad-Xaawo. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta kadib markii ay fuliyeen weerarka. Taliyaha amniga gobolka Gedo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ka tacsiyeeyay geerida nabaddoonka, isagoo sheegay in ciidamada amniga ay wadaan baaritaan la xiriira dhacdadaasi. Taliyaha ayaa sidoo kale ballan qaaday in la soo qaban doono…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Kulankan ayaa lagu xoojiyey iskaashiga wadajirka ah ee saddexda dal, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray amniga gobolka, la dagaallanka argagixisada, dadaalada Soomaaliya ee dimuqraadiyeynta, xasilloonida Geeska Afrika iyo horumarinta iskaashiga. Sidoo kale, Madaxda ayaa dul istaagay fursadaha lagu horumarin karo maalgashiga, isu-socodka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo xoojiyo isdhexgalka iyo horumarka dalalka gobolka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti martigelinta kulankan, isaga…
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray cabashooyinka darawallada Bajaajta ee ka howl-gala magaalada Muqdisho ee la xiriirta qiima kororka shidaalka iyo sidoo kale xarig loo geystay wariyayaal ka waramayay bannaanbax ay dhigayeen darawalladaasi. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in goluhu si adag uga cabanayo isticmaalka gacan-ka-hadalka ee lagu kacay qaar ka mid ah darawallada Bajaajta oo cabashadooda muujinayay, iyo sidoo kale xarig loo geystay wariyayaal tabinayay dhacdada. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu xusay in darawallada Bajaajta ay yihiin shaqaale hal-abuuro leh oo door muhiim ah ka qaata dhaqaaleha dalka, maadaama ay nolol-maalmeedka qoysas badan ku tiirsan yihiin. Waxa kale oo lagu…
Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 193-aad, ayaa ku guuleystay in ay kala dhex galaan laba maleeshiyo beeleed oo maanta ku dagaallamay degaanka Xagaay-Dag oo hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle. Ciidamada oo uu hoggaaminayay Taliye Ku-xigeenka Ururka 193-aad Cabdullaahi Saneey ayaa si degdeg ah u gaaray goobta uu dagaalku ka socday, iyagoo ku guuleystay inay kala qaadaan maleeshiyaadka dagaallamay isla markaana degaanka ka xakameeyaan xiisadda. Taliye Ku-xigeenka Ururka 193-aad Cabdullaahi Saneey ayaa sheegay in ciidamadu ay ku daba jiraan shaqsiyaadkii ka dambeeyay hurinta colaadda, si sharciga loo horgeeyo loogana hortago…